Somaliland: Guddoomiye Cirro oo Soo Kormeeray Goobaha ay Ka Socoto Qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashada ee Gudaha Hargeysa

Date:

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI iyo weli ba saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbigaasi oo ay ka mid ahaayeen xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, guddoomiyaha gobalka Maroodi-jeex ee xisbigaasi, xoghayeyaal iyo saraakiil kale oo ka tirsan garabbada dhallinyarta iyo haweenka, ayaa kormeer ku soo maray qaabka ay kaadh qaadashada diiwaan-gelintu uga socoto gudaha magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex oo ugu horreyn la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay kormeer ku soo sameeyeen goobaha ku yaala gudaha magaalada Hargeysa ee laga qaadano kaadhadhka codbixinta Doorashada, waxaana uu shacabka goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer ba uu ku booriyey in ay kaadhka qaataan si ay u muujiyaan rabitaankooda iyo cidda ay taageersan yihiin ba.
Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa isna dadka ku dhaqan Maroodi-jeex ku dhiiri-geliyey qaadashada kaadhka codbixinta Somaliland isaga oo sheegay in loo baahan yahay in reer Hargeysa ay fadhiga ka kacaan oo ay kaadhka qaataan.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, isna waxa uu sida oo kale dhiiri-geliyey shacabka goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo ay hada ka socoto kaadh qaadashada diiwaan-gelintu isaga oo carabka ku dhuftay in kaadhka codbixinta Doorashadu uu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin ah isla mar ahaantaana loo baahan yahay in qof kasta oo is diiwaan-geliyey uu soo qaato kaadhkaasi si uu u guto xaqqiisa muwaadinimo ee dastuurku u jideeyey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...