Somaliland: Wasiirka Ganacsiga Oo Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyey In Aanay ku Kalsoonayn Lacagta Somaliland

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Cumar Shucayb, ayaa sheegay inaanu dalka ka jirin wax sicir-barar ahi, balse uu ka jiro sarrif barar iyo qiimihii lacagta waddanka oo hoos-u-dhac ku yimid.

Waxaannu tilmaamay in xaalado dhawr ah oo is biirsaday ay sabab u yihiin kuwaasoo uu sheegay in ay culayskeeda leeyihiin isla markaana lagaga gudbi karo in dawlad, xisbiyo iyo shicibba loo baahan yahay in siyaasad cad oo midaysan lagaga wada hawlgalo isla markaana wax badan la iska waydiiyo sida looga bixi karo sarrif bararka iyo qiimo dhaca shillinka Somaliland.

Waxa kaloo uu ka hadlay socdaal shaqo oo uu ku soo maray degmada Laasgeel ee gobolka Maroodijeex deegaanno ka tirsan oo ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo si wanaagsan uga socota deegaanadaas.

Wasiirka Ganacsigu wuxuu sidaas ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka ku siiyay Wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Dacar-budhuq ee degmada Laasgeel xalay.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay kor u kaca sicir bararka iyo waxa uga qorshaysan ka Xukuumad ahaan, wuxuu yidhi; “Horta sicir barar ma jiro oo dalka kama taagna, laakiin waxaa jira sarrif-barar oo ah in qiimihii Doolarkuna uu kor u kacay qiimihii lacagta shillinka Somaliland-na ay hoos u dhacday arrimo dhawr ah oo is biirsaday oo ina soo marayna saamayn wayn ayay nolosheenna ku yeesheen oo sidaynu uga gudubnay ee aynu uga nool nahay ayaaba mucjiso ah taasoo ku timi isku tiirsanaanta dadkeenna iyo istaakulaynta. Waxaa ina soo maray abaar baahsan oo duunyadii aynu dhaqanaynay intii badnayd ay innagaga baxday oo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ku caydhoobeen,waxaa inoo raacday xoolihii oo innaga xidhan oo aan dibed u dhoofayn,waxaa inoo saddexaysay sarrif barar baaxad wayn duruufahaas oo dhan markaad eegto waxay ku tusayaan dadka intaasoo dhammi ay isugu raacday ee aan lahayn wax soosaar ay dibed u dhoofiyaan ee haddana sidan farxadda ah u wada nool. Sarrif bararka waxyaabaha ugu waawayn ee hadda u sababta ah waxaa ka mid ah doolarkii dibedda innaga soo geli jiray saddex meelood ayuu intiisa ugu badani uu ka iman jirtay laba meelood oo ka mid ahi meesha way ka baxeen midkii saddexaadna wuu yaraaday, waxaa meesha ka baxday lacagtii xoolaha aynu dhoofin jirnay waxaa kale oo meesha ka baxday lacagtii mashaariicda hay’aduhu bixin jireen ee soo mari jirtay NGO-yada.

Waxa kaloo aad u yaraatay lacagtii dadkeenna dibedda joogaa ay u soo diri jireen qoysaskooda oo dadkii waawaynaana wax daalay oo aan shaqo hayn iyo wax soo noqday ayay isugu jiraan dhallinyaraduna ma barako badna.”

Wasiirku wuxuu sheegay in xataa masuuliyiintii dawladdu aanay aaminsanayn lacagta dalka oo ay doolar ku bedashaan, waxaannu yidhi; “Markaa waxaa loo baahan yahay in tallaabooyin wax ku ool ah la wada qaado oo aynu horta ummad ahaan noqonno dad lacagtooda aaminsan oo ku kalsoon imika dhibaatooyinka ugu weyn waxaa ka mid ah dadkeenna oo lacagtoodii ka ordaya oo wasiirradii iyo masuuliyiintii hay’addaha dawladda ayaa markay qaataan lacagta Shillinka Somaliland markiiba suuqa la cararaya oo Dollar kusoo beddelanaya. ganacsigii hoose illaa kii sare ayaa doolar wada doonaya iskuuladeennii ayaa Doolar doonaya markaa ta ugu wayni waxay tahay horta ummaddu lacagtooda ha aaminaan.”

“Waxa loo baahan yahay in aqoonyahanka ummadda, dawladda, asxaabta in la isu yimaado oo daraasad rasmi ah lagu sameeyo sidii looga gudbi lahaa qiimo dhaca lacagteenna iyo in la iska daayo ama la yareeyo lacagta Doolarka ah ee mobilada lagu sito oo la iskugu diro shillinka Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Wasiirka oo la waydiiyay in ay jiraan qorsheyaal kor loogu qaadayo shillinka Somaliland oo ay Xukuumaddu qaadayso,waxaannu yidhi; “Haa dawladda xil ayaa arrintaa ka saran, sidaa daraadeed marnaba kamay fadhiisan tallaabooyin baddan oo hore oo ay qaadayna way jiraan, imikana culayska ugu weyn waxaannu ka xukuumad ahaan aanu saarnay sidii dawladda Boqortooyada Sucuudigu xayiraadda uga qaadi lahayd taasina meel fiican ayay maraysaa oo xidhiidho badan oo ay dawladdu dawladda Sucuudiga la samaysay iyo socdaallo ay ku tageen weftiyo heer wasiirro ah oo wasiirka Xannaanada Xooluhu ka mid ahaa waxaa ka soo baxay natiijooyin wanaagsan si dhakhso ahna xoolaha in ay xayiraadda ka qaadaan ayaan ku hawlanahay taasoo meesha ka saaraysa Doolar yaraanta dalka ka taagan.

Waxaa kaloo aan tijaarta u sheegayaa in aanay sidan u macaashayn faa’iidona aanay u helayn haddiii ay noqdaan soo dejiyeyaal keliya oo aan dalkooda maalgashan waxay tijaartu dalka keenaan waxyaabo badan oo lacag adagi kaga baxdo oo aan dalkana waxtar u lahayn iyo waxyaabo badan oo dalka laga soo saari karo oo maalgalin kooban ua baahan waxaanan tijaarta u sheegayaa in loo baahan yahay in ay iyagu qiimeeyaan shillinka Somaliland cidda dadka Doolarka ka doonaysa ee lacagtooda nacsiisay waa iyaga ee waa in ay si muwaadinnimo ku jirto u raadiyaan macaashdoonka ay yihiin.” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb Maxamed.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...