Kabtankii hore ee kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa aad ugu farxay ku guryo noqoshadiisa kooxdiisi hore ee Everton, kadib markii uu dib ugu laabtay Goodison Park.
Rooney ayaa wuxuu ka tegaya United oo uu u yahay gool-dhalliyaha koowaad kadib markii uu shabaqa taabsiiyay 253-gool, isla markaana uu la hantay 12 koob oo waa weyn oo ay ku jiraan 5 Premier League iyo Champions League.
Balse Rooney, kooxda Everton waxay mar kasta u ahayd koox qalbigiisa ku taalla maadaama ay tahay kooxdii uu ku soo baxay isaga oo 16-sanno jir ah, wuxuuna u sheegay TV-ga Toffees: “Waxaan dareemayaa farxad. Daacaddii 13 sanno ayaan la aamusnaa, balse haatan waxaan caruurtayda la xidhanayaa bijaamooyinka Everton anniga iyo caruurteydu”.
Rooney ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Sida aan sheegay sannadihii u danbeeyay, haddii aan ka tago Manchester United, keliya Everton iyo Manchester United ayaa u ciyaari lahaa, uma ciyaareen koox kale oo Premier League ah. Waana ka dhabeeyay taas, dhab ayayna iga aheyd. Ma doonaynin inaan u ciyaaro koox kale oo England ah oo aan ka ahayn Everton. Markii aan ogaaday inay Everton i xiisaynayso oo ay doonayso inay ila saxeexato, waxaan ku idhi wakiilkayga ‘Bax oo la hadal iyaga, kuna dedaal inuu heshiis dhaco, waa halka aan doonayo inaan tago’”.
Rooney ayaa shaaca ka qaaday sida tababaraha Everton Ronald Koeman iyo guddoomiyaha kooxda Bill Kenwright sida ay qeyb libaax leh uga qaateen inuu ku laabto Goodison Park “Ronald Koeman ayaa saameyn weyn ku lahaa inaan halkan imaado. Markii ay ii cadaatay inaan ka tegayo Manchester United xagaagan, Ronald ayaa ila soo hadlay dhawr jeer iina sheegay sida uu u doonayo inaan kooxda yimaado, waxaana ay ugu yeelatay saameyn weyn. Dalabyo kale ayaa jiray laakiin markii aan ogaaday inay Everton i doonayso waxa uu ahaa dalabka keliya ee aan aqbalay” ayuu hadalkiisi ku soo gunaanaday.