Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxday Heshiiskii Lama Filaanka Ahaa Ee Ay Bayern Munich Amaahda Kula Wareegtay James Rodriguez- Real Madrid Mise Bayern Ayuu Faa’iido U Yahay?

Date:

Maalmihii ugu danbeeyay waxay saxaafada Spain qoraysay in Carlo Ancelotti uu doonayo saxiixa James Rodriguez waxaana sidii aanu idiin soo gudbinay uu xidiga ree Colombia isniintii go’aan ku gaadhay in mustaqbalkiisa lagu xaliyo 48 saacadood ee markaas soo socday si aanu ciyaartoyda kooxda Zidane ula safrin USA, laakiin muu jirin qof filaayay in James Rodriguez uu heshiis amaah ah uga baxayo Rea Madrid.

Haddaba waxaa la helay faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska amaahda ah ee uu James Rodriguez ugu biiray Bayern Munich ee uu Carlo Ancelotti ugula midoobay Allianz Arena. Wargayska Marca ayaa sheegay in ugu horayn ayna Bayern Munich waajib ku ahayn in marka uu dhaco heshiiska amaahda ah ee James ay si rasmi ah u iibsan karto waxayna doorasho u haysataa in ay dib ugu celin karto Madrid haddii uu qancin waayo kooxdeeda.

Mar labaadka James Rodriguez ayaa labada sano ee uu Bayern Munich amaahda ku jooga waxaa mushaarkiisa oo dhamaystiran bixin doonta Bayern Munich iyada oo sanadka hore bixin doonta mushaar 8 milyan oo euros ah halka sanadka labaad ay bixin doonto mushaarkiisa oo 8.2 milyan euros ah.

Hadii ay Bayern Munich ku qanacdo qaab ciyaareedka James Rodriguez waxay awood u leedahay in ay heshiiskiisa ka dhigi karto mid rasmi ah iyada oo Real Madrid siin doonta 40 milyan eruos laakiin sidoo kale muddada Bayern Munich ayaa James 10 milyan oo euros kaga soo saartay Bernabeu waana lacagta ay ku soo bixisay qandaraasiisa amaahda ah.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaha guud ee ay Real Madrid ka helayso James Rodriguez haddii uu Bayern Munich si rasmi ah ugu biiro ayaa ah 50 milyan oo euros inkasta oo ay lacag 80 milyan oo euros ah AS Monaco kagala soo wareegtay xagaagii 2014 kii.

Bayern Munich ayaa loo arkaa in ay tahay kooxda guusha wayn ku qabta heshiiskan amaahda ah ee lama filaanka ah halka Real Madrid oo aan laga filayn in James ay si sahlan ku iibinayso ay ku bixisay heshiis amaah waliba qiimaha lagu iibsan karaa uu aad u hooseeyo.

James Rodriguez ayaa haddaba lagu daray liiska ciyaartoyda Bayern Munich ee axada China u safri doona halka Douglas Costa uu alabaabka kale ee Bayern Munich uu ka baxay wuxuuna hadda soo gaadhay Juventus oo uu ku soo biirayo.

Haddii ay Bayern Munich isku dayi lahayd in ay hadda iibsato James Rodriguez ayayna ku hesheen lacag ka hoosaysa 65 milyan oo euros balse Carlo Ancellotti ayaa kooxdiisii hore ee Real Madrid ka helay xidig aan la isticmaalin tayadii ay Los Blancos ku soo iibsatay tan iyo markii uu Ancelotti ka baxay Bernabeu.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...