Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Sheekh Mohamed Abdi Daauud ayaa Qoraal kooban oo Bartiisa Facebook soo dhigay ayuu kaga Hadalay Gudoomiye Cirro ayaa u dhignaa Sidatan.
Waxaan Cirro looga aamuseyn baa Alla “keenay”:
1. Xaaraan buu ku fadhiyaa 7 sanadood … 12 sano isaga oo inoo hayay guddoonka sharcigana, wuxuu soo saari kari waayay xeerkii lagu dooran lahaa golihiisa.
2. Isagaa ayaa badka is keenay, oo i doorta ayuu ina leeyahay. Sidaa markay tahay maxaynu ku dooranaa? Ma waa Habar Yoonis? Ma waa Halyaynimo uu dheeryahay ragga kale? Ma aftahan ummaddiisa qancin kara oo u jihayn kara? Ma guulo wax ku oola uu ummaddiisa u soo qabtay?
3. Cirro, Faysal iyo Muuse … maanta kawaanka ayay inoo saaran yihiin. Malaa’ig ma aha oo waa aadmi. Guryahooga hadday joogi lahaayeen, oo xilkan culus aanay ina weydiisan, maynu “xamaneen”. Laakiin waa sharci; in maanta nusqaantooda bannaanka la keeno, sida haldoornimada banaanka loo keenayo. Ka dibna seddexdooda kii inoo roon aan doorano.