Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Gobolada iyo degmooyinka Somaliland Jaamac Cabdiilahi Biin ayaa xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI u soo jeediyay inay lakala fogaadaan Hawlaha ololaha ah ee ay ka wadaan Gobolada Dalka,Waxa uu uga digay inay Huteel uwada hooydaan,waxaanu carabka ku dhuftay oo uu wal wal ka muujiyay in haddii ay sidaasi yeeli waayaan ay dhici karto Fadqalado dhexdeeda ka istaadhanta,waxa kale oo uu tibaaxay in wada qosolka iyo af isasaarka ay muujinayaan horseedi karto inay isku badesho fawdo iyo dagaal gacan ka hadal ah oo dhex mara taageerayaasha Xisbiyadaasi.
Wasiir Jaamac Biin ayaa sidan ka sheegay shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Anigu waan yaabasanahay,Xisbi haddii uu Huteel ku dego,Xisbiga Kale Huteel kale ayuu ku degi jiray,Xisbi la isla soo doonayay oo sanka la iska soo galinayo Haddii aad idinku raali kala tihiin Kuwiina Gudoomiyeyaasha ahi,dadka qaar ayaa maskax yar oo markiiba is feedhaya,Mana Ogolini inaad Huteeladda wada gashaan,Magaalooyinku way badan yihiin ee Huteelada kala gala,oo Xisbiyada ka daaya Af isasaarka,Af isasaarka Fadqalado ayaa ka dhalatee,markaad baxaysaan ee aad Diwaangalinta u baxaysaan midkiinba Goob hatagee Goob ha isku hirdiyina”.
Waxa kale oo uu yidhi“Ciidanka ha dhibina,Dalka,Madaxda,dhaqaalaha iyo umadda idiin shaqaynaysa haku soo kordhinana ceeb,Markaad soconaysaan,Midawba dhinac mar,Midawba jiho u bax,Mid walabawba dadka Afkaartaada ka soo dhaadhici,Waa laguu ogol yaha waan kugu raacsanahay, Waan kugu illaalinaynaa,waxaad naga rabtaa waa wanaag waxaan idinka rabnaana waa mid ka sii wayn,Ilayn idinka ayaa wax doonayee,dadka waxaanu leenahay Kaadhka qaata,Haddii Kaambayn la bilaabo Wax yeelo ayay noqonaysaa,Waxaanu leenahay cid walayba wanaagaagu waxa uu kuugu jiraa Amniga”.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii ay maalmahan safar olole u eg Gobolka Togdheer ku gaalaa bixiyeen Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI,Islamarkaana ay goobo badan iskugu yimaadeen oo ay ku kulmeen,iyadoo sidoo kale la baahiyay sawiro ay wada qoslayaan oo ay degta is haystaan Gudoomiye Muuse Biixi iyo Gudoomiye Cirro,kuwaasi oo saacado ka hor uun weerar afka ah Warbaahinta isku mariyay,Waxaana digniinta Wasaaradda ka muuqata cabsi laga qabo inay fawdo ka dhalato xaraarada ama tartanka Labadaasi xisbi oo halkii u saraysay maraysa iyadoon la gaadhinba wakhtigii kaambaynka Doorshada bilo koobani inaga xigaan.
Somaliland: “Dadka Qaar Ayaa Maskax Yar Oo Markiiba Is Feedhaya,Mana Ogolini Inaad Huteeladda Wada Gashaan, Af Isasaarka Fadqalado Ayaa Ka Dhalatee kala Fogaada
Date: