Somaliland: Hoggaamiye Xirsi Oo Burco Kala Xidhay Fariina U Soo Diray Dhigiisa Kulmiye

Date:

Xisbiga WADDANI oo Xalay Xaflad Ku Qaabiley Macalimiin, Dhallinyaro iyo Taageerayaal Ka Soo Dig-rotay Xisbiyada KULMIYE iyo UCID

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey qaar ka mid ah macalimiinta magaalada Burco iyo weli ba dhallinyaro iyo taageerayaal baaxad weyn oo ka soo diga-rogtay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, ayaa xalay ka qabsoontay hotel Cigaal ee magaalada Burco.
Xafladdan, ayaa wax aka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile, guddoomiye ku xigeenka labaad ee WADDANI, xubno ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, madaxda heer gobal iyo weli ba macalimiinta iyo taageerayaasha kala duwan ee ku soo biiray Xisbigaasi.
Macalimiintii ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadashay, ayaa si weyn u sheegtay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbigaasi iyaga oo carabka ku adkeeyey in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga keliya ee ay maanta u arkeen in uu wax badan ka qaban karo xaaladda dalka oo ay si aada ugu dhaliileen Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisa.
“Farxad weyn bay noo tahay in anaga oo ah macalimiintii magaalada Burco aanu maanta ku midowno sida oo kale na ku soo biirno Xisbiga WADDANI, maanta Xisbigan markaanu aad u dhuuxnay waxa aanu u aragnay in uu yahay xisbiga keliya ee inaga saari kara marxaladda adag ee dalku maraayo. Somaliland na cidda ay u baahan tahay waa Xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi macalin ku hadlaayey afka macalimiinta Burco.
Xubno tiro badan oo iyagu na ka soo diga-rogtay Xisbiga UCID gaar ahaan garabkii aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen iyo weli ba qaar ka mid ah taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI ee iyagu na ka soo diga-rogtay KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay cududooda taageero ku soo biiriyaan Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in uu yahay Xisbiga dalka horumarin kara sida oo kale na u horseedi kara Ictiraaf caalami ah.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee WADDANI Md.Saleebaan, Xildhibbbaan Maxamed Faarax Qabile, guddoomiyaha gobalka Togdheer ee WADDANI iyo guddoomiyaha haweenka gobalka oo dhammaantodo ba halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin sida oo kale na soo dhaweynayaan macalimiinta iyo taageerayaasha ku soo biiray oo ay sheegeen in Xisbiga WADDANI yahay madal la wada lee yahay sida oo kale na ka shaqeynaaya horumarka iyo cadaaladda Somaliland.
Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay.”..Reer Burcooy shalay markii aad soo dhaweyseen Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, si qurux badan baad u soo dhaweyseen, laakiin rag badan baa ka maroora dilaacay oo Habar-Awal ganacsatadeedii caawa(xalay) Burco ayey ina la joogtaa lacago ayaana la faraqayaa, waxa aan idiin sheegayaa Ina Cigaal, waxa laga doortay Burco, Madaxweyne Siilaanyo na waxa laga doortay Burco, Cabdiraxmaan na waa in halkan aynu ka dooranaa. Dalku sidan wuu ka baxayaa, waxaanan idiin balan-qaadeynaa in aanu bilaash ka dhigi doono waxbarashada gebi ahaan ba.”.
Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi:-“ Runtii aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa una boggaadinayaa una soo dhaweynayaa macalimiinta, dhallinyarada iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga ka soo diga-rogtay xisbiyada kale ee u ku soo biiray WADDANi, waxa aan idin lee yahay waxa aad muujiseen in aan qalbigii na la idin la lahayn oo aad tihiin xor ah oo ka badbaaday qabyaalad in wax lagu doorto.”.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay ugu dambeyntii, ayaa sheegay in uu si aada u soo dhaweynayo macalimiinta iyo dhallinyartaas kale ee ku soo biirtay Xisbiga, waxaana uu yidhi:- “Halkan waxa aad ka muujiseen shucuubtiina dhabta ah, hore na si weyn oo ballaadhan baad no soo dhaweyseen anaga oon idin ka codsan laakiin shacbi ahaan idinkaa is abaabulay, waxa aanu u mahad-naqeynaa shacabkii nagu soo dhaweeyey gobalka Saaxil oo ay ka mid ahaayeen magaalada Huduse, soo dhaweyntii la yaabka lahayd ee degmada Sheekh, soo dhaweyntii layaabka lahayd ee Qoyta. Waxa aan u mahad-naqayaa dhallinyarta, macalimiinta iyo taageerayaasha kale ee ku soo biiray Xisbiga, waxaana ku so dhaweynaynaa qalbi furan oo aanu lee nahay soo dhawaada. “.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...