Deg Deg: Xukuumadda Somaliland Oo U Jawaabtay Madaxweyne Farmaajo Kana Hadashay Arrimaha Dekedda Iyo Saldhigga

Date:

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Farmaajo Ku Sheegay Inuu Daba Gal Ku Hayo Heshiiska Somaliland Iyo Imaaraadka

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogo sidiia y u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.

Mr Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono Barlamaanka Somaliya iyo hay’addo kale oo aanu magacaabin.

“Waxaan caddaynayaa sida ku cad distoorka waxa waajib nagu ah ilaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyada Somaliya,waxaan adaynayaa in bilowga hawshan ay ka horeysay 8 Febarwari 2017,sidaas darteed dawladu waxay ku hawlan tahay sidii ay ku heli lahayd xog dhamaystiran oo arrintaasi la xidhiidha,markaan helno xogtaasna waxaan la wadaagi doonaa golaha shacabka iyo hay’addaha ay khuseyso”ayuu yidhi  Farmaajo.

Hadalkan Farmaajo kasoo yeedhay ayaa waxa ka jawaabay xukuumadda Somaliland,waxaana ay ku tilmaamtay mid la iska yidhi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa digniin ud irey madaxda Somaliya,waxaanuu wasiirka oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu yidhi

“Halkani waa Somaliland ee madaxwaynaha Somaliya iyo madaxda Somaliya,waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arrimahayga oo aanay ku mashquulin,madaxwayne walba oo Somaliya yimaadaa dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ka mashquulo arrimaha Somaliland ee waxaan leeyahay madaxwaynaha,baarlamaanka iyo madaxda Somaliya haku mashquulina oo wakhtiga yaanu iidnkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin go’aana aydaan ka gaadhin Karin ee hawlahiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata aya waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray

“Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...