Britain: Wiil Yar Oo Gaajo Ugu Dhintay Dalka Ingiriiska !

Date:

Wiil aad u yar ayaa waxa uu u dhintay gaajo kadib markii ay hooyadii si kadis ah ugu dhex geeriyootay gurigooda oo ku yaalla Hackney ee Dalkaasi Britain, wiilkan yar oo magaciisa la odhan jiray Chadrack ayaa waxa uu u geeriyooday gaajo awgeed muddo laba toddobaad ah kadib markii ay hooyadii geeriyootay sida lagu soo bandhigay jarriidada Daily Mail ee ka soo baxda Dalkaasi Britain.

Wiilkan yar ayaa awood u yeelan kari waayay inuu taabto Bottonka Gurmadka si loogu soo gurmado waxaana muddadaasi kadib loogu yimid isaga oo ku naf baxay sidii uu dul fadhiyay ee uu ugu dhaganaa Meydkii hooyadii, arrintan ayaa waxay noqotay mid aad loola yaabo gudaha Dalkaasi Britain waxa aanay dad badan is waydiiyeen sidee ayuu Ilmaha yari gaajo daraadeed ugu dhiman karaa isaga oo ku sugan Dalka Britain waliba sanadkan aynu ku jirno ee 2017, waxa kale oo ay is weydiiyeen dad badani waa maxay sababta loo ogaan waayay ilmahaasi yar muddada labada toddobaad ah ee uu hooyadii oo geeriyootay dul fadhiyay, wiilkan yar ayaa waxay Da’diisu ahayd 4 jir halka ay hooyadiina Da’deedu ahayd 24 jir, waxaanay dadkii ka soo qayb galay aaskoodu sheegeen in dadkii dariska la ahaa ay aad u jeclaayeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...