Midkee bay Somaliland siinaysaa madaarka Hargeysa Labada Shirkaddood ee Favori ee Maamusha Madaarka Muqdisho iyo Kozufa Group of Company’s oo Terminal cusub dhisaya?
Ma Dhab baa safarkii guddoomiyaha Xisbiga Wadani in uu Heshiiskan fududayntiisa qayb ka ahaa sida kii Dekedda Berbera ee Dp-world?
wadahadalada ay Somaliland kula jirto Dalka Turkiga ee ah in Madaarka Hargeysa ay ka dhisayaan Terminal ay ku kacayso 30 milyan oo Dolar ayaa mugdi weyni ku jiraa, kaasoo u baahan in tafaasiil dheeraad ah ay xukuumaddu ka bixiso, maadaama warar is khilaafsan oo la xidhiidha arrintaasi ay soo baxayaan.
Warar uu Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in la filayo Xukuumadda Somaliland inay Heshiis kula gasho maamulka Madaarka Hargeysa mid ka mid ah shirkadaha Turkiga ee Duulimaadyada, taasoo la yidhaa Favori (Favori LLC Group Companies), oo ay ku bahoobeen lixda shirkadood ee la kala yidhaa KARDESLER YAPI, BROSS TEKSTI, YAKO TEKSI, TSF , FAVOR, iyo VOLSOFT YAZILIM, kuwaas oo bixiya adeegyo kala duwan, waxaanay imika maamushaa Shirkaddani madaarka magaaladda Muqdisho.
Hase yeeshee wasiirka Wasaaradda Duulista Farxaan Aadan Haybe oo dhawaan ka hadlayey warar laga baahiyey Hotel laga dhisayo madaarka Hargeysa ayaa ka hadlay inay shirkad Turki ahi Terminal cusub oo ku kacaya 30 Milyan oo Doolar ay wadahadal kula jiraan waxaanu yidhi “Terminalka la dhisayo ee aanu qolada Turkiga ku wada hadalnay waa mid isku dhan oo hudheel ayaa ku jira, markay hudheelkaas yidhaahdeen qorshaha waxa noogu jira inaanu dhisno terminal cusub oo 30 milyan oo dollar ku baxaya hudheelna wuu ku jiraa laba malyuun oo dollar ku kacaya oo ay qaabkiisii noo keeneen ayaa waxa jira nin Somalilander ah oo hore u soo codsaday, dabadeed markaas waxaanu isu eegnay haddii uu jiro nin Somalilander ah oo maalgashan karayaa inuu hudheelkii madaarka isagu dhiso haloo fududeeyo halkii qof ajaanib ah la siin lahaa mudnaanta, maalinba haddii ninka ajaanibka ah laga fuuryeelo ninka muwaadinka ah guuldaro weeye, markaas macnaheedu maaha in dhulkii madaarka cid la siinayo ee waa dedaalada la wado iyo maalgashiga ku tallo galka ah ee ah tayaynta iyo joogtaynta iyo kor u qaadista madaarka ayay qayb ka tahay, taasna waxaan leeyahay halaga daayo warka sida qaloocan loo dhigayo ee la siyaasadaynayo, wixii dalka loo qabanayo qabyo badan ayaa inoo taalee waxaanu maanta qabanayno halaga daayo gobtahanyada.”
Isla qorshan Turkigu Terminalka ku dhisayo waxa uu wasiir Farxaan ka hadlay taariikhdu markay ahayd 18/04/2017 oo wefti Turki ah oo uu hogaaminayey Ramazan Senturk oo ka socda shirkadda (Kozufa Group of Company’s) oo doonaysa inay Maal-galiso Terminal madaarka hargeysa yeesho ku sheegay in Heshiis gabagabo ku dhaw u socdo oo haddii ay waxyaabo yar yar oo muhiim ah oo hadhay ay isku af-gartaan iany Heshiis iskaashi ka gaadhi doonaan.
Halka weftigaasi laftiisa uu wasiirka Duulistu ku sheegay in uu la socdo Ebubekir Ekici oo ah u qaybsanaha hawlaha Geeska Afrika ee shirkadda Turkish Airline oo doonaya inay Duulimaadyo ka bilowdo Somaliland, isagoo sheegay inay isla meel dhigayaan tirkada Rakaabka ay doonayso inay ka qaado Somaliland, iyada oo aan waxba u dhimayn diyaaradaha kale ee ka shaqeeya Somaliland, waxaanu wakhtigaas xusay inay muddo qaadan doonto sidii ay iskula meel dhigi lahaayeen qorshahaas.
Hadaba waxa soo if-baxaya Dawladda Turkigu inay labada qorshe ee ay muddada dheer soo wadatay ee ay Xukuumadda Somaliland-na ka wadahadlayeen ay yiihiin shirqoolo maamulkii Hawada ee Somaliland loogu gacan galinayo Dawladda Federalka Somaliya.
Xogaha soo baxaya ee cadaymaha u ah shirqoolka Turkiga waxa ka mid ah inay toddobaadkan soo shaac baxday inay Dawladda Somaliya qalabkii qaramada Midoobay ee Muqdisho laga dajiyey ay rakibanayso, iyadoo madaxad Somaliya sheegeen qalabkan oo markii hore la wariyey in uu ku soo qaldamay aanay waxba ka jirine ay ahayd farsamo dawladda Somaliya qalabka ku rakibanaysay oo loo soo ogolaaday, iyadoo sheegtay inay u martay Tab iyo Xeelad aanay sheegin waxay tahay.
Sidoo kale Xogaha soo baxayaa waxay sheegayaan in Madaxda Somaliland Heshiiskan ay la galayso Turkigu uu qayb ka yahay qorshahaas Somaliya loogu wareejinayo maamulka Hawada Somaliland iyo Somaliya, halka Turkigu Somaliland iyo Somaliya dhex dhexaadintii uu ka dhex waday qoddobadii lagu Heshiiyey ay ka duwanaayeen oo ay ahayd in qalabka Hargeysa laga dhiso, balse ay wali arrintaasi ahayd mid aan si rasmi ah loo saxeexin.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in uu jiro Heshiis qarsoodi ah kaasoo ay Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Wadani ku wada socdaan, waxaana dareenkaasi soo shaac baxay safarkii Guddoomiyaha Wadani ku tagay dalka Turkiga dabayaaqadii Bishii Ramadan, kaasoo la warinayo in uu Heshiiskan hawada Somaliland fududaynteeda qayb ka ahaa maadaama shirkaddo Somaliland ah oo kuwa Duulimaadyada ah oo gacan-saar leeyihiin guddoomiyaha Xisbiga Wadani oo imikaba maamula qaybo ka mid ah Madaarka Hargeysi qayb ka yihiin Heshiiskan madaarka Hargeysa ee u dhaxeeya Turkiga iyo Xukuumadda Somaliland.
Waxa muuqata marka la isku daro wararkan is dhex socda ee Xogtoodu soo baxayso in Heshiiska Turkiga iyo Somaliland ku galayaan madaarka Hargeysa uu la mid yahay kii Dekedda Berbera ay Somaliland iyo DP-WORLD ku galeen kaasoo qaadan doona muddo sodon sanadood ah, isla markaana ay qarsoon tahay danaha ugu jira masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, Shirkaddaha Somaliland ee madaarka qaarkood imika maamulaan, maadaama laga guuray dantii qaranka iyo wadahadaladii ay gadh-wadeenka ka ahayd Dawladda Turkigu ee la filayey Somaliland maamulkeeda Hawada inay u madax banaanaato.
Si kasta ha ahaatee waxa Xukuumadda Somaliland looga baahan yahay inay caddayso Heshiiska Qarsoodiga ah ee aan illaa hada la ogayn ee ay la gashay Turkiga, iyo waliba halka ay ku danbeeyeyyn wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya ee Turkigu gadh-wadeenka ka ahaa.