Somaliland: Laba Masuul Oo Xukuumadda Ka Tirsan Oo Waftiga Kulmiye La Socday Oo Gacmaha Iskula Tagi Gaadhay Kadib Markii Ay Isku Khilaafeen Halka Uu Guddoomiye Muuse Biixi Ku Horraynayo Socodkiisa, Bariga Mise Galbeedka Burco

Date:

Wararka Xalay naga soo gaadhay Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer oo ay ku sugan yihiin Madaxdii Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI ayaa Xogo hoose oo aanu xalay ka helnay waxa ay tibaaxeen in khilaaf gacan ka hadal ahi Magaalada Burco ku dhex maray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cisman Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Agaasimaha Lacagta Hay’adda ladagaalanka Aidska Qaranka Cabdikariin Xinif,kuwaasi oo la socday waftiga Xisbi Xaakimka Kulmiye ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha ama Musharaxa Xisbigaasi Muj Muuse Biixi Cabdi.
Illo wareedyo u dhuun daloola dhacdaasi oo xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay in Labadani masuul isku qabteen oo ay ku kala aragti duwanaadeen halka uu ugu horayn Waftiga Gudoomiye Muuse Biixi kaga horaynayo ee uu ka cago dhiganayo Magaalada Burco,waxaana sida la sheegay ay markii hore mid waliba dhinaciisa u soo jeediyay Gudoomiye Muuse biixi oo uu u sheegay inuu ku horeeyo halka ay beeshiisu ka degan tahay Magaalada Burco. Waxa Markii hore gacanta qabtay oo Gudoomiye Muuse Biixi u soo jeediyay inuu Bariga Burco ku horeeyo Cabdikariin Xinif,Waxa arintaasi ku diiday oo Waftiga Kulmiye u soo horkacay Wasiir Cadaani oo sheegay in Galbeedka Burco ka shidan tahay oo Bariga Burco uu uga sii horeeyay Waftigii Xisbiga WADDANI,Waxaanay arintaasi keentay inay labadaasi masuul si toos ah ugu hor murmaan Xubnaha Waftiga hortooda oo uu waliba hadalku ka taag taagmo oo ugu dambayn dirqi ku sigtaan inay gacanta iskula tagaan. Waxa markii dambe la ayiday Fikirkii Wasiirka Cadaani ee ahaa in waftigaasi ku horeeyo Galbeedka Magaala Burco oo uu Wasiirkaasi deegaan ahaan ka soo jeedo,Waxaanay shala Waftigaasi Kulmiye Heeryada dhigteen Galbeedka Magaalada Burco,waxaana la arkayay Wasiir Cadaani oo goobo badan oo Galbeedka Burco ah hor kacayay Gudoomiye Muuse Biixi iyadoo uu Waftigaasi si weyn u dhex jibaaxay Goobaha ama maqaaiyaha dadku ku qaxweeyaan galabtii.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...