Deg Deg: Xukuumadda Siilaanyo Oo Imika Xabsiga Dhigtay Wariye Cumar Seerbiya Isaga Oo Madaarka Ka Soo Degay

Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabiga dhigtay Wariye Cumar Seerbiya oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa isla markaana ka soo duulay Magaalada Moqdisho .

Sida ay Shabakada wargane.com iminka u soo sheegeen qaar ka mid ah saxafiyiinta reer Somaliland oo ku sugan gudaha Garoonka ayaa sheegay in aanay ilaa hada xukuumadu  cadeyn danbiga uu sameeyey Cumar Seerbiya  iyo sababta  loo xidhay .

Wariye Cumar Seerbiya ayaa la sheegaya in uu xidhay Maamulaha Madaarka Hargeysa , sida saxafiyintani noo sheegen isla markaaana waxaa Saxafiga la socdey xaaskiisa .

Mudooyinkii ugu danbeeyey Cumar Seerbiya ayaa ku sugnaa magaalada Moqdisho ,kaas oo uu u joogay hawlo shaqo isla markaana uu ka hawl gali jiray telefishan madax banaan oo halkaaasi ka shaqeeya oo lagu magacaabi GOOB JOOG TV

Comments

comments