Somaliland: Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Abu-dhabi Ku Sugani?

Date:

Iyadoo maalmihii u dambeeyay baraha ay bulshadu ku xidhiidho ee Internetka lagu faafinayay arrimo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo oo ku sugan magaalada Abu-dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka hadlay wasiir ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka xanaanada xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir oo ka mid ahaa wasiiro magaalada Abu-dhabi la joogay madaxweyne Siilaanyo balse shalay ay isaga iyo wasiirka khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire ku soo laabteen Hargeysa, ayay saxaafadu shalay madaarka Cigaal ku weydiisay inuu ka waramo xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu Wasiirku yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu saacado kooban imika ka soo maqanahay, waxaanu kaga nimid oo kula joognay oo ku suganyahay caafimaad taam ah oo wanaagsan oo Alle loogu mahadnaqo dadka inta niyadda wanaagsana Alle ugu mahadinayaan kuwa cadawga ah ee jeclaysanaya inay masiibo ku timaado dalka Somaliland waxaanu leenahay isla hela, Allena idinkama aqbalin, habaarku meelna kuma wanaagsana.” sidaas ayuu wasiirku ku soo koobay hadalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka ka dhoofay 16 June, waxaanay madaxtooyadu sheegtay in socdaalka madaxweynaha oo ahaa mid gaar ah u qaadan doono tobaneeye maalmood, waxaanu hadda sii maqanyahay 3 toddobaad muddo ku dhow.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...