Deg Deg: Guddoomiye Cirro Oo Isku Shaansheyn Ku Sameeyey Xisbiga Waddani

Date:

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan magacaabay, waxaanu Cabdirisaaq Daahir Jaamac, u magacaabay inuu noqdo Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisbiga WADANI, halka Md. Idiris Cabdi Maxamed, uu u magacaabay Hoggaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisiga WADDANI.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo lagu sheegay in magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 30aad farqadiisa 6aad iyo qodobka 19aad farqadiisa 6aad ee Xeerka hoosaadka xisbiga, waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo
Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro sidan:-
REF/XIS/WAD/XDH/2459/2017 3th July, 2017
KU: Cabdirisaaq Daahir Jaamac Hargeysa
KU: Idiris Cabdi Maxamed Hargeysa
OG: Garabka Dhalinyarada Heer-qaran Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Gudoomiyeyaasha Gobolada Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee KMG Hargeysa
Ujeedo: Magacaabis Xil
Markaan Darsay: Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI iyo qodobka 19aad ee farqadiisa 2aad ee xeer hoosaadka Garabka Dhalinyarada Heerqaran ee xisbiga WADDANI
Markaan arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilalkan.
Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI
Markaan ku qancay: kartida iyo aqoonta ay leeyihiin
Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da July, 2017 waxaan magacaabay xilalkan hoos ku xusan.
1. Md. Cabdirisaaq Daahir Jaamac, Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisbiga WADANI.
2. Md. Idiris Cabdi Maxamed, Hoggaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisbiga WADDANI.
Waxaannu Illaahay uga baryeynaa inay tusaale u noqdaan dhalinyarada Somaliland iyo kuwa xisbiga WADDANI ba, hormoodna ka noqdaan siyaasada xisbiga WADDANI doonayo inuu ku horumariyo mustaqbalka dhalinyarada Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro), Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...