Nin tuug ah oo u dhashay Dalka France isla markaana magaciisa la qariyay ayaa dib ugu soo celiyay lacag iyo Ubax uu ka xaday haweenay 70 jir ah sanadkii 2013 kii. Ninkan Tuuga ah ayaa markii uu haweenaydaasi uu dhacay dabadeed waxa uu dareemay murrugo aad u fara badan sida uu isagu sheegay waxaanu aad uga xumaaday haweenayda aadka u wayn ee uu xaday, waxaanu tilmaamay inuu muddadaasi oo dhan aanu lacagtaasi isticmaalin oo uu hayay.
Ninkan tuug ah ayaa haweenaydan dhacay kadib markii uu meel waddo ah kaga soo hor baxay waxa aanu ka xaday lacag dhan 20 kun oo Euro iyo sidoo kale Ubax ay sidatay, waxaanu eegtay haweenaydan oo ka soo baxday Meel Bangi ah sida ay Ciidammada Bileyska ee Dalkaasi France sheegeen waxaanu sheegay ninkaasi tuuga ahi in muddadaa afarta sano ah ba uu murrugo xad dhaaf ah ku noolaa, haatana uu soo raadiyay haweenaydaasi intaasi kadibna uu gacanta ka saaray ubaxii iyo lacagtii uu ka dhacay ba.