Somaliland: Wasiir Ku Xigeenka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Oo Si Adag Uga Hadlay Warar Laga Baahiyay Deegaanka Laasqoray Oo Lagu Sheegay Inay Halkaasi Jabhado Ka Dilaaceen.

Date:

Laasqoray Waa Goob Nabdoon,Waxa Degan Dad Xadaariyiin Ah Oo Qalinka Ku Adeegta,Balse Aan Qori Ku Adeegan,Cidii Qarqaladaysa Ka Jawaabisteedu Qaranka Ay U Taalaa,Toban Nin Uma Taalo..”

Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ayaa ka hadlay Koox ka soo hadashay deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag Bari oo sheegatay inay iskood isku hubeeyeen iskuna diyaariyeen inay dagaal kala hortagaan Koox Alshabaab Ka tirsan oo ay sheegeen inay sooo galeen gudaha Dhulka Somaliland, Waxa uu wasiirku warkaasi ku tilmaamay mashruuc meel kale laga soo waariday oo aan runta ku dhisnayn, islamarkaana waxa uu sheegay inay Deegaanka laasqoray ee ay Nimankaasi ka soo hadleen ka mid tahay deegaamada ugu nabdoon Somaliland,waxaana uu ku sheegay inay Goobtaasi tahay dhul ganacsi oo ay si buuxda u degan yihiin Guutooyin ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland,Wixii Carqalad ku keenana ay ka jawaabisteedu u taalo Qaranka Somaliland ee aanay khusaynin toban nin oo meel cidlo ah isku urursaday oo i arkaay, imaqlayaa kujira,arintaasina ay Xukuumaddu ku dabo jirta oo ay baadhis ku hayso.
Ugu horayn Wasiir Mustafe Godane oo ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Sanaag oo Shalay Waraysi khaas ah oo uu arintaasi kaga hadlay siiyay Wargeyska Foore ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“waxaan doonnayaa inaan halkan kaga jawaabo warar been abuur ah oo aan sal iyo raatoona lahayn oo ay Maalmihii u dambeeyay baahiyeen Warbaahinta Dalku,kaasi oo ku saabsanaa nin ka hadlay Deegaanka Laasqoray oo sheegtay inay Jabhad yihiin,hadalkaasi ayaan doonayaa inaan cadeeyo,Ugu horayn Umadda Somaliland meel kasta oo ay joogto iyo cid walba waxaanu u cadaynaynaa inaanay jirin wax jabhad ah oo ka jirta Deegaanka Laasqoray, Deegaanka Laasqoray Umadda Somaliland way taqaanaa,Dadkuna waa uu iswada yaqaanaa,waa dad nabadeed,Waa dad Xadaaradeed,waa dad aqoon leh,Dad maanta jabhad Samaysan kara maaha,Xaasha’,Wakhti jahad lasamaysto waa laga soo gudbay,Africa oo dhan ayuu ka soo dhamaaday,Dad maanta jabhad dib u bilaabi kara maaha,waxaanu cadaynaynaa inaanay Deegaankaasi wax jabhad ah,Hayaraatee aanay ka jirin,oo dad warxumo tashiil ahi Warkaasi buun buuniyeen”.
Waxa kale oo uu yidhi“Qodobka kale ee aan halkan kaga hadlayaa waxa weeyi,kooxda sheegatay Alshabaab ee la Sheegaa halkay ka jiraan,dhulka lagu sheegaa ma Dhul Somaliland-baa?,Mise Waa dhulka Maamul Goboleedka Puntland leeyahay,kooxdaasi waxa lagu sheegaa Buuralayda Galgala, Waxaanu deegaankaasi ka tirsan yahay Maamulka Puntland,Ninkii yaqaanaa waa uu yaqaan, Ninkii aan aqoona hadda ayaanu u sheegaynaa,Xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo Puntland ayay soo gaadhaan,oo Buuralayda ah oo meel fog ah,Deegaanka Somaliland kuma jirto Kooxdaasi Argagixisada ahi,In balo loo yeedho maaha,in balo la sahadshado maaha,Alshabaab waxay kujirtaa dhulka ay ka taliso Puntland,waanay ku xoogan tahay,waxaanay deegaamadaasi ku jirtay muddo imika ku siman Lixsano,Mudadaasi lixda sanno ah waxbay dilayeen,iyagana waxbaa laga dilayay,Maaha wax cusub oo intay maanta bilaabeen Jabahado loo samaysanayo,Ragga hadda ka soo hadlay Idaacadaha ee intay meesha cidladaha fadhiisteen yidhi,waxaanu samaysanay Jabhad ladagaalamaysa Alshabaab,Waxaan leeyahay,Alshabaab Waa Urur Argagixiso ah oo Caalami ah,Waxaa loo baahan yahay in Si Heer qaran ah loo waajaho,oo dagaal loogu qaado,laakiin toban nin ayaanu nahay oo dagaal ayaanu ku qaadaynaa wax ka jiraa majiraan Arintaasi,Dadkana waanu u cadaynaynaa,Laasqoray waa nabad,Waa deegaan kaluumaysi,dad aqoon leh ayaa degan,dad ganacsato ah ayaa degan,Dad Qalinka iyo Maskaxda wax ku xaliya ayaa degan”.
Ugu Dambayn Wasiir Mustafe Godane waxa uu yidhi“Waxa kale oo aanu umadda u sheegaynaa, Laasqoray waxa ka taliya Xukuumadda Somaliland,Waxa degan Ciidamada Qaranka,Guutooyin ka tirsan ayaa ku sugan deegaankaasi,waxa jooga Badhasaabkii Somaliland magacawday, Maayarkii ayaa jooga,sidoo kale Badhan Maayarkii Somaliland ayaa jooga,oo gaadiidkoodii iyo staffkoodii wata oo xafiisyadii u furan yihiin,Waa dhul ay Si Buuxda Uga taliso Xukuumadda Somaliland,Haddii ay Argagixiso ka soo weerarto ama ay Dhib kaleba ka bilaabanto ka jawaabisteeda iyo Xalkeedu waxa ay u taalaa Dawlada Somaliland,Ciidamadii Somaliland ayaa rigli ku ah,Bilayskii ayaa jooga,Jeelkii ayaa ka dhisan,Markaa yaan been la isku haasaawin oo aan dadka khal khal lagalin”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...