Somalia: Al-Shabaab oo weerar culus markale ku qaaday xerada Laanta-Buuro

Date:

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa markel weerar culus xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen xerada Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftii hure ah ayuu ku bilowday weerarka, isla markaana waxaa qaraxa kadib Shabaab weerartay xerada.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa la sheegayaa weerar saacado qaatay kadib in ay u suurta gashay in ay la wareegaan xerada, waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dishay sodon askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, isla markaana la wareegtay 7 gaari oo nooca dagaal ah.

Dhinaca kale askeri ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo ka gaabsaday in la xuso magaciisa ayaa sheegay in weerarkaasi dhinacooda looga dilay 7 askeri, bale dhinaca al-Shabaab uu jro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Bishii Maarso ee sanadkan 2016 ayey ahayd markii shabaab weerar noocaan oo kale ah ku qaadaan xerada Laanta- Buuro, kaasi oo ay ku qabsadeen gaadiid badan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...