Somaliland: Nuxurka Farriin Qoraal Ah Oo Qaar Ka Mida Culimada Somaliland U Gudbiyeen Saddexda Golle Qaran, Xisbiyadda Iyo Maxkamadda Sarre

Date:

Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey saluug xoogan ka muujiyey qaabkii Xukuumada Somaliland usoo xushay Gudida Culimada Somaliland oo ah Gole Dastuuriya oo ay tilmaameen in loo maray xulidiisa hanaan sharciyada iyo Dastuurka dalka u yaal baal marsan ayaa waxa ay Sadexda Golle Qaran iyo Xisbiyada Somaliland iyo Maxkamada Sarre ee Dastuuriga ah u gud-biyeen warqad qoraala oo ay kaga hadlaayeen arimo la xidhiidha Sharci-nimada Golan dhawaanta ay Xukuumadu ku dhawaaqday iyo sidoo kale Qodobo sharciya oo Xukuumadu jabisay markii ay soo xulaysay Gudidan Culimada ah oo sida ay sheegeen ay ku jiraan Xubno ka tirsan Kooxo Arga-gixiso ,iyo sidoo kale Xubno kamida Gudiyo Dastuuriya oo aan sharcigu u banaynayn in lagu daro Gudi labaad oo dastuuriya

Dhinaca kale Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa waxa ay qoraalkan ay u gudbiyeen ku xuseen sida ay Gudidan lasoo xulay u baalmarsan tahay cadaalada iyo sinaanta Garsoorka, Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxa ay ku doodeen in Xukuumadu Gudidan u magacawday kooxda Wahaabiyada oo fikir ahaan aaminsan xagjirnimada ,isla markaasina aan aaminsanaynba Dawladnimada iyo Dastuurka Somaliland oo ay xuseen inay u arkaan gaalnimo,

Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa dhinaca kale ku dooday inay yihiin aqlabiyada Culimada Somaliland u badan isla markaasina ilaa taariikhdii soo jireenka ahayd ee dalka Somaliland ay iyagu ahaayeen kuwii usoo halgamay waqtiyadii kala duwanaa ee dalka ay qabsadeen gumaystayaashii kala duwanaa ee dalka soo maray ee ay ugu danbeeyeen Gumaystihii Ingriiska iyo Rajiimkii Siyaad Barre oo ay Sheegeen in taariikhdu Xustay doorkii ay ku laaheen Halgamadaas

Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa gabagabadii waxa ay Golayaashii uu qoraalkoodu ku socday ka codsadeen inay dalka bad-baadiyaan khilaaf Diimeed iyo jaho wareer Diimeed oo arintani sababto

Liiska Magacyada Xubnaha Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Qoraalkan ku Saxeexnaa

Sheekh Axmed Caabi Cabdi
2.Sheekh C/qaadir Sheekh Axmed

Sheekh Xasan Ibraahim Maxamed Fartaag
Sheekh Cumar Axmed Cismaan
5.Sheekh Maxamed Shabcaan

Sheekh C/raxmaan Yaasiin Jaamac
Sheekh Axmed Ismaaciil Ayuubi
Sheekh Siciid Faarax Xasan
Sheekh Maxamuud Cabdiwali Ismaaciil
Sheekh Maxamed Rashiid Cismaan Qalinle
11.Sheekh Axmed Macalin C/laahi

Sheekh Muxamed Sheekh C/laahi Aw Cilmi
13 Sheekh C/naasir Dalal Axmed

14.Sheekh Cali Maxamed Xasan

15.Sheekh C/raxmaan Axmed Koosaar

Halkan Hoos Ka Akhri Qoraalkaasi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...