Somaliland: Ururka SOLJA Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Sii Dayso Laba Wariye Oo Ku Xidhan Laascaanood.

Date:

Ururka SOLJA ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray manta kaga dalbaday xukuumadda inay xorriyadooda usoo celiso laba wariye oo maalintii labaad saldhiga Laascaanood ugu xidhan war ay ka duubeen koox ka soo horjeeda Heshiiska Khaatumo.

Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay xorriyadooda usoo celiso labada wariye eek ala ah Mawliid Ismaaciil Digeed oo ka shaqeeya Telefishanka Somnews iyo Maxamed Shaqale Cashuur oo ka shaqeeya shabakada Dal-doon.com, kuwaas oo shalay oo Sabti ahayd bisha July-na 1. ahayd lagu xidhay saldhiga dhexe ee Laascaanood.

Labada wariye ee xidhan waxa loo xidhay barnaamij ay ka duubeen koox ka hadlayey heshiiska ay Khaatumo iyo Somaliland gaadheen, kaasoo ay ak dhiibanayeen aragti ka dhan ah, taas oo ay labada Saxafi kaliya wax ka duubeen, balse aanay wax kale ku kicin.

Ururka SOLJA, isagoo Tixgalinaya maslaxada guud ee Qaranka Somaliland isla markaana ka soo horjeedda wax kasta oo waxyeelo u keeni kara, hadana waxa uu u arkaa in xadhiga aan loo marin nidaamka sharci ee dalka u yaala aanu xal ahayn.

Ururka SOLJA isagoo ku dhaqmaya shuruucda Dalka iyo xEerka Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa inay Suxufyiinta Xaq u leeyihiin soo shaac bixinta iyo shiilida fikradaha kala duwan ee laga qabo arrimaha kala duwan ee dalka ka socda, sidaas daraadeed-na aanu Suxufigu ku mutaysan Karin Ciqaab iyo wax la mid ah toona.

Maadaama labada wariye kaliya duubeen dooda ka dhan ah Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, isla markaana aanay wali baahin, waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda Somaliland inay Xorriyadooda usoo celiso labadaas Suxufi oo maalintii labaad u xidhan sharci darro.

Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta xilalka ka hayaba inay dhawraan xaqa ra’yi dhiibashada si loo helo Qaran Toosan oo aanay go’aamadiisa masiiriga ahi u xidhnayn koox kaliya.

Ugu danbyan, Ururka SOLJA waxa uu dhinaca kale ugu baaqayaa Suxufiyiinta Somaliland inay ka fogaadaan talaabo kasta oo usoo jiidi karta dhibaato, isla markaana iska ilaaliyaan inay dhantaalaan wax kasta oo dani ugu jirto Qaranka inta aanay bislaan ama mugdigu ku jiro geedi socodkooda.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...