Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si qotodheer uga war-bixiyay dhibaatooyinka Somaliland ka haysta aqoonsi la’aanta, taasi oo hortaagan in maalgashadeyaasha shisheeye ku soo dhiiradaan dalka.
Wasiirku waxa kaloo uu caddeeyay in dib-u-dhigistii doorashada madaxtooyada ee abaartii dalka ka dhacday keentay sannadkan, ay xumaysay mustawihii siyaasadeed ee Somaliland ku lahayd caalamka, sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal dheer oo uu ku qoray wargeyska Financial Times, oo Dawan ka soo xigtay.
“Xaaladda Somaliland waxba kalama socdaan bulshada caalamka ee maalgashadeyaasha ahi. Waxaa inta badan lagu wareeraa dalka dagaalku hadheeyay ee jaarkayaga ah ee Soomaaliya oo aannu iclaaminay inaynu kala soo noqonay madax-bannaanidayadii 26 sannadood ka hor, sannadkii 1991-kii oo ay burburtay dawladdii macangaga ahayd ee Siyaad Barre,”ayuu Wasiir Sacad ku sheegay qoraalkiisa, waxaannu intaas ku daray; “Si ka duwan Soomaaliya, Somaliland waa mid nabdoon oo dimuqraadi ah, waxaannu leenahay dawladnimo si buuxda u shaqeynaysa oo ku dhisan nidaamka madaxtooyada. Waxaannu qabsanay doorashooyin joogto ah oo xor iyo xalaal u dhacay, waxaannu leenahay lacag noo gaar ah. Waxa kaloo aannu samaysanay hay’adihii sharciga ahaa ee dastuurku jideeyay.”
Wasiirku wuxuu sheegay in bulshada Somaliland boqolkiiba toddobaatan ay yihiin dhallinyaro, waxaannu yidhi; “Somaliland mujtamaceedu waa dhallinyaro 70% (Boqolkiiba Toddobaatan), kuwaasi da’doodu ka hooseyso 30 jir oo aqoon leh. Waxaa Somaliland leedahay in ka badan soddon koolaj iyo jaamacadood oo iskugu jira kuwo dawladeed iyo qaar gaar loo leeyahayba. Waxaanay jaamacadahaasi soo saareen kumanaan qof oo aflaxay oo shaqeyn kara.”
Wasiirku waxa uu xusay in heshiiskii lagu casriyaynayo marsadda Berbera ee ay ku baxayso $442m oo doolar, ee ay la galeen shirkadda laga leeyahay Imaaraadka carabta ee DP World, uu noqonayo maalgashigii ugu weynaa ee taariikhda Somaliland hesho. Waxaannu tilmaamay in ballaadhinta dekeddu ka dhigi doonto Berbera xuddunta ganacsi ee mandaqada Geeska Afrika. Waxa kaloo uu caddeeyay inay khayraadka Somaliland leedahay door weyn ka qaadan doono inay soo jiidato maalgashadeyaasha shisheeyaha.
Dr. Sacad waxa uu sharraxay caqabadaha Somaliland ka haysta ictiraaf la’aanta, waxaannu yidhi; “Waxay Somaliland haysta dhibaatooyin aan la koobi karin oo ka soo gaadhay aqoonsi la’aanta, kuma lihin wax kuraas ah qarramada midoobay iyo ururka midowga Afrika midna.sidaas darteed lama macaamili karno Hay’adaha caalamiga ah sida baanka adduunka iyo IMF-ta taasina waxay saamayn weyn ku yeelatay awoodayadii aanu wax kaga qaban lahayn masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dhaqaalahaba. Baanka dhexe ee Somaliland ma awoodo inuu qabto hawlihii caalamiga ahaa ee bangiyadu qabtaan.”
“Maareynta tawstii ka dhalatay abaaruhu waxay saameeyeen siyaasaddii Somaliland, waxaanay dhalisay in doorashadii madaxtooyada ee sannadkan dhici lahayd bishii March in dib loogu riixay Bisha November ee daboyaaqada 2017-ka. Dib-u-dhigistii doorashada, waxa soo jeediyay xisbiyada mucaaradka ah iyo muwaadiniinta reer Somaliland, gaar ahaan gobollada bari oo bulshadii ku dhaqnayd intoodii badnayd ay ku laxaadsatay abaartu. Abaartu waxay wiiqday mustawahayagii caalamiga ahaa,”ayuu Wasiirka Khaarajigu ku yidhi maqaalka uu ku qoray wargeyska Financial Times.