Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa kula kulmay wasiirka arimaha dibadda Norway

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norwey Borge Brebde oo booqasho rasmi ku yimid magalada Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa aad iyo aad u soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Norwey Børge Brende ayaa dhinaca ka mahad celiyey siddii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal,

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh bilihii ugu danbeeyay, islamarkaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’addaha dawladda.

Wasiirka arrimaha dibadda Norwey Børge Brende ayaa gallinkai hore ee maanta xafiiskiisa ugu tagay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...