Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah ubax xusuus ah dhigay taalaada Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho, xuska 1-da Luuliypo awgeed.
Ubaxaan ayaa waxaa lagu xasuusanayaa dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xoriyadda dalkeena. Taalada daljirka daahsoon ayaa lagu xusaa dhamaan cidkasta oo ka qayb-qaadatey halgankii xornimada iyo difaaca umadda Soomaaliyeed, mid magiciisa la garanaayo iyo mid aan la garanyba.
Madaxweynaha oo halkaas ka hadlay ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka oo ay la mid noqdaan dadkii ka soo shaqeeyay xoriyadda maanta lagu naaloonayo.
Maantey waxaa guud ahaan Soomaaliya laga xusayaa maalinta xornimada gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol.