Somalia: Al Shabaab oo qaraxyada u adeegsata hubkii ay ka qabsatay AMISOM!

Date:

Baadhitaan dhawaan lagu sameeyey qaraxyada Al Shabaab ay ka geysato gudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu ogaaday hubka ugu badan oo ay u adeegsadaan weerarada inay yihiin hubkii ay kooxdaasi ka furatay ciidamada AMISOM.

Greg Robin oo kamid ah khabiirada dhanka Qaraxyada oo ka qeyb qaatay mashruuc baaritaan oo ay maalgelisay dowlada Ingiriiska oo lagu baarayey qalabka loo adeegsado qaraxyada ay Al shabaab fuliso ayaa sheegay in xog badan ka heleen aaladaha iyo siyaabaha ay Al Shabaabo u sameyso qaraxyada ay dadka badan ku disho.

“….60% Qaraxyada Al Shabaab koonfurta Soomaaliya iyo gudaha Kenya ka geysato waxaa laga sameeyey hubkii iyo bambaanooyinkii ay ka heleen xeryaha AMISOM….” Ayuu yiri Greg Robin oo wareysi siiyey jariirada Daily Nation ee kasoo baxda dalka Kenya.

Mr.Robin ayaa sheegay in Al Shabaab hub aad u badan ka heleen xeryihiin ciidamada Kenya oo ay weerareen sanadihii lasoo dhaafay, hubkaasina ay hada u adeegsadaan qaraxyada iyo miinooyinka.

Aalada wax qarxisa ee RDX- explosives oo sidoo kale loo yaqaan “cyclonite”, ayaa u badan waxyaabaha qarxa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sameeyey hubkii ay ka qabsadeen ciidamada AMISOM. Aaladan ayaa waxaa lagu sameeyaa dalka Britain waxayna ka xoog badan tahay aalada wax qarxisa ee TNT, sida uu sheegay khabiirkan.

Ragga AL Shabaab u sameeya bambaanooyinka ayaa aaladan wax qarxisa kusii dara (aluminium powder) si ay sare ugu siiqaadaan waxyeelada ay bambaanooyinkooda geystaan.

Al Shabaab ayaa qarxiyayaasha u adeegsada Telefoonada gacanta iyo Car alarm, oo ay kusii xiraan batteriga bootooyinka ee 12V battery, fiilooyinka isku xira ayey inta badan ka keensadaan Yemen, ayuu yiri khabiiran ka qeyb qaatay baaritaano ka dhacay gudaha Soomaaliya ee lagu eegayey bambaanooyinkii loo adeegsaday weeraradii Al Shabaab.

Xog aruurintan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in AL Shabaab ay sanadkii hore 2016 laba jibaartay weerarada qaraxyada noocaan ah u adeegsadaan kadib markii ay hub badan ka furatay Amisom.

Wuxuu sidoo kale khabiirkan sheegay inaysan helin ama aysan jirin wax cadeyn ah oo muujineysa in Al Shabaab wax taageero ah ka hesho dalalka muslimiinta.

Waayadii hore Al Shabaab qaraxyada waxay u adeegsan jireen hubkii hore ee Soomaaliya balse miinooyinka iyo qaraxyada waayadan danbe waxay u adeegsadaan aaladahan iyo hubka culus oo ay ka heleen xeryaha ciidamada Amisom.

Cadadka hubka galay gacanta Al Shabaab ayuu khabiirkan sheegay in ay muddo dheer kusii dagaalami karaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...