Deg Deg: Farmaajo Oo Sheegay Inu Wada-Hadaladii Jamhuuriyadda Somaliland Dib U Furayo Iyo Goorta U Bilaabayo

Date:

Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa sidda ugu dhaqsiyaha badan u bilaabi doonto wada hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland.

“Walaalaha Somaliland waxaa u sheegayaa, kalama maarano, waa isu baahanahay, mar uun waa isu soo laaban doonaa, waxaa dib u bilaabi doonaa wada hadaladii”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkii xoriyada u soo halgamay, iyo madaxdii hore ee Soomaaliya ay ku xusuusan doonaan astaamo kala duwan oo ay ugu magac dari doonaan.

“Waxaa muhiim ah dadkii dhaliyay xoriyadan inaan xusuusano oo aan weyneyno, dowladdu waxay balan qaadeysaa in bilaha soo socda iyo sanadaha soo socda in dadkii halgamayaasha ahaa inay ugu magac darto jidadka iyo dhismayaasha”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhawaan ayeey aheyd markii siddoo kale wasiirka wasaarrada arimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire Warbaahinta u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda in dib loo bilaabo wada hadallada.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa ku yimid hakad, waxaana wada hadalada oo soo socday tan iyo sanadkii 2012, aan wali laga gaarin wax natiijo ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...