Somaliland: Xisbiga KULMIYE oo Xaflad soo dhawayn ah u Sameeyey Haweenka Qurba-joogga ee Xisbiga

Date:

Xisbiga KULMIYE, ayaa xaflad ballaadhan u sameeyey haweenka qurba-joogga ah ee xisbiga ee ku sugan dalka Somaliland xilligan.
Casuumad casho ah oo ay samaysay Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa xalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubnaha hoggaanka ee xisbiga, wasiirro ka tirsan xukuumadda, safiirro iyo boqolaal ka mid ah haweenka qurba-joogga ah ee xisbiga oo isugu jira masuuliyiin iyo taageerayaal.
Masuuliyiin iyo wakiillo ka socday laamaha qurba gaar ahaan dalal ka mid ah Yurub iyo Maraykanka oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Laanta Sweden Fu’aad Kaamil, Nuura Waris oo ku hadlaysay afka gobollada Maraykanka, xubno ka socday Laanta Norway iyo Canada, ayaa ka xog-warramay shaqooyinka ay hayaan iyo taageerada baaxadda leh ee xisbigu ku leeyahay dibadda.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Garabka haweenka ee xisbiga Marwo Canab Cumar Ileeye, Wasiirrada Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Qorshaynta Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) iyo La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Axmed Xasan Carwo oo dhammaantood xafladda hadallo ka jeediyey, ayaa u mahadceliyey qurba-joogga xisbiga kaalinta ay mar walba kaga jiraan guulaha xisbiga.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey hadal isugu jira mahadnaq, ammaan iyo dardaaranba siiyey qurba-joogga.
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ka hadlay u diyaargarowga iyo qabashada doorashooyinka soo socda, waxaannu sheegay in KULMIYE yahay xisbiga keliya ee u diyaarka ah doorashada, halka xisbiyada mucaaradku u muuqdaan kuwo ka cago-jiidaya qabsoomideeda.

V3-1 V4-1 V14 V18 V20 V22 V21

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...