Somalia: Farmaajo Oo Somaliland Ugu Baaqay Inay Mudo Kooban Ku Soo Biyo Shubtaan Somalia 26ka Juna Ku

Date:

Madaxwaynaha Maamulka itaalka daran ee Muqdisho mudane Farmaajo Oo Raadinaya Midnimadii Gabalkedu Dhacay Ee Somali Wayn Iyo Somaliland Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqayso Midnimada Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa Somaliland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo qaranimada dalka aan jirin.

Farmaajo oo xalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabadda 26-kii June, ayaa yiri “Xuska 26-ka June waxaa walaalahayaga Gobolada Waqooyiga, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba aan ugu baaqayaa inay tahay masuuliyad inoo wada taala inaan dib u hanano qaranimadii iyo midnimadii dalkeena.”Iyadoo taariikhdeena dhow qaybteeda xanuunka iyo foolxumada leh ay tahay inaan ka gudubno, si aan u gaarno mustaqbal ka wanaagsan kan maanta aanu ku suganahay.”

“57 guuradii, 26-kii June waxay ku beegan tahay anigoo sanadkan ah Madaxweynihii Qaranka, isla-markaana waxaan dib u xusuusanayaa dabaaldegyadii la qabtay doorashadeedii. Dabaaldegyadaas oo ay isugu soo baxeen, ayna soo dhaweeyeen dhalinyaro fara-badan, waayeel, rag iyo dumarba, oo gobol kastoo Soomaaliyeed joogga. Waxay ahayd farriin uu hankeeda aad u weyn yahay, saldhigeeduna uu ahaa nabad, nolol, midnimo iyo cadaalad.”

“Marka munaasabadan waxay tahay mid aad iyo aad noogu weyn ama ugu weyn taariikhdeena, waxaana dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooggaan ugu hambalyeeynayaa 57 guurada ka soo wareegatay maalintii calanka Soomaaliyeed oo xor ah laga taagey dhul Soomaaliyeed.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...