Sacuudiga Oo Sheegay In Uu Fashilliyay Weerar Argagixiso Oo Lala Damacsanaa Masaajida Barakaysan Ee Makka.

Date:

Wasaarada arrimah gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay inay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Makka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulinayay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha .

Malaayiin qof oo Muslimiin ah oo ka kala ymiday daafaha caalamka ayaa isugu soo uruuray magaalada Makka dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaanka si ay u cumreystaan.

Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.

Sacuudi Carabiya ayaa sannadihii u danmbeeyay waxa soo maray weeraro is xig-xiga oo ay dad ku dhinteen , qaar badan oo ka mid ah weeraradan waxaa sheegataay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Weeraradaas ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee lagaga tirada badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka.

Bishii July 2016, afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...