Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?

Date:

Ardey dhigta Jaamacad oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa saaxiibtiisii ku celiyay warqad raali gelin ah oo ay usoo dirtay ka dib markii uu u saxay sida mid imtaxaan.

Ardeyga ayaa siiyay natiijo ka dib markii uu saxay qaladaadkii asiga uga muuqday warqadda.

Wuxuu ardeygaasi sheegay inuusan ka xumeyn in warqadda ay baraha bulshada ku faaftay.

  • Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl
  • Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah

Nick Lutz ayaa qalin gaduudan ku saxan warqadda oo ahayd raali gelin loosoo diray.

Wuxuu taxliilin ku sameeyay sida ay u qorneyd warqadda oo afar bog ahayd oo ay u soo dirtay gabar jecleyd.

Wuxuu BBC Newsbeat u sheegay: “Waxaan saaxiibo ahayn sideed bilood”.

“Afar bilood ka dib waxay bilowday inay telefoonkeeda iga qariso. Waxaan maqlay inay rag kale saaxiib la ahayd,” ayuu yiri.

Nick oo dhigta jaamacadda Central Florida, wuxuu sheegay in warqadda lasoo gaarsiiyay waxyar ka dib markii ay saaxiibtii isku dheceen.

Waatan warqadda uu Nick saxay

Sixitaanka wuxuu ku billaabay, “hordhaca wuu dheeryahay, waadna ku soo celcelisay”.

Ardeyga oo 20-sano jir ah wuxuu doonayay in saaxiibtiisii hore ay sabab u yeesha sadarka ah: “Waxaad ku guuldareystay inaan ilaaliyo xireerkeena”.

Wuxuu kale oo ku dul qoray warqadda inuu u baahan yahay inay cadeyso marka ay leedahay “weligey kuma khayaamin”.

“Maalin ayey ii sheegtay inay gabar u raaceyso dalxiis, balse wiil kale ayey raacday”, ayuu u sheegay BBC Newsbeat.

“Lama hadlin tan iyo markii arrinta ay dhacday, mana qorsheynaayi inaan la hadlo”, ayuu yiri.

Bogga labaad, wuxuu saaxiibtiisii hore ka codsaday inay faafaahiso sadarkan: “Waan ilaaliyay dhammaan ballanqaadyadii, waanna ka baxay”.

Sidoo kale wuxuu u sheegay inay iska ilaaliso qaladaadka higaada xuruufta, sida ereyadan “loose” iyo “lose”.

Nick ayaa saaxiibtii ka dalbaday inay cadeyso waxa ay ula jeedo “ma jirto sabab aan wax kaaga qariyo, ama been kugu sheego”.

Wuxuu dhinac kaga qoray: “Haddii aysan jirin sabab aad been u sheegto, maxaad runta u sheegi la’dahay?”

  • 65 sano ka dib ayay is heleen oo is guursadeen:
  • Lamaane Kenyan ah oo arooskoodii hore ku baxay 1 doolar ayaa xalfad qaali ah loo dhigay

Warqadda uu saxay oo uu boggiisa Twitter-ka geliyay waxaa la wadaagay in ka badan 100 kun oo jeer.

“Ayada kuma faraxsana, anna ma fileyn inay heer intaa la eg gaarto warqadda. Hooyadey ayey la hadashay, aniguse lama hadlin, mana u maleynaayo in aan la hadli doono”, ayuu yiri.

Xittaa wuxuu u sheegay saaxiibtii in nooca farta qoraalka ee ay isticmaashay ay tahay mid isku dhex yaacsan.

Bogga ugu dambeeyay ee warqadda waxay gabadha ku dhameysay “wan ku jeclahay”, balse Nick calaamadda su’aasha ayuu saaray.

“Haddii aad dooneyso in lagu aamino, cadeyn ku taageer sheegashadaada”, ayuu ugu qoray warqadda dusheeda markii uu saxaayay.

“Sheegasho khiyaanada ah weligeed ma dhicin, naftaada eedee, maxaa kale? ayuu u sheegay saaxiibtiisii hore.

“Sheekadaada way is burineysaa ee dhinac qaado. waxaan jeclahay faafaahin in laga bixiyo waxyaabaha la sheeganayo”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...