Somaliland: Diyaaraddo Dagaal Oo Duqeeyey Deegaano Kamid Ah SOMALILAND Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Duqayntaasi.

Date:

Diyaarado aan haybtooda la garanayn oo ah kuwa dagaalka ayaa waxay shalay duqaymo kala duwan ka gaysteen deegaano ka tirsan magaalada Saylac ee gobolka Salel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana diyaaradahan oo ilaa hadda aan la garanayn cidda leh ay duqeeyeen deegaanada Duryaal iyo Caashacado oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Salel,waxaana duqayntaasi ay sababtay khasaare.

Khasaaraha ka dhashay labadaasi duqaymood ee ay diyaaraduhu gaysteen ayaa waxa uu yahay dhaawac iyo dhimasho soo gaadhay xoolo ku noolaa deegaanka kuwaas oo ah laba Nee foo Geel ah oo dhaawacyo kasoo gaadheen duqayntaasi oo mid kamid ah uu dhintay,sidoo kalena waxa duqayntaasi iyo rasaastaas markii ay maqleen baxsaday oo la waayey caruur yar yar oo ku noolaa guryo ku yaala deegaanka ay diyaaradahani duqeeyeen.

Duqaynta diyaaradahan ayaa waxa idaacada BBC-SOMALI u xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Salel Axmed Naasir Maxamed Xaashi,waxaana uu sheegay in aanay ilaa hadda garnayn cidda leh diyaaradahan duqaymaha gaystay iyo sababta ku kaliftay toona,sidoo kalena waxa uu shaaciyey khasaaraha ka dhashay duqaymahaasi ay deegaanada kala duwan diyaaradahu ka gaysteen waxaana uu yidhi

“Waayahay kii ugu danbeeyey ee shalay dhacay haadaan ku horeeyo Meesha Duryaal la yidhaa ayuu ka dhacay Hal reer baa daganaa,xoolo dhaqato ayay ahaayeen caruur yaryar ayaa joogtay,run ahaantii masuuliyiintii way ka maqnaayeen,caruurtii yaryarayd way sastay oo way yaaceen oo waa la waayey,waxa kale oo Meesha Xoolihii ayaa caymaday oo diday,Kan hore ee ka dhacay meeshan la yidhaahdo Caashacado ee galbeedka ka xigta Saylac-na waxa weeye khasaaruhu waxa uu ahaa Neef ay kaga dhacday Dhagta oo Awr ah iyo neef kale oo isna Awr ah oo dhaawac ah Ayaan ugu tagnay oo midna dhaawac yahay midna dhintay,markii aan u tagnay ee aan soo waraysanay waxa weeye cabsi badan ayaa ka muuqatay,labada meeloodba waxay ahaayeen meel dad Reer Miyi ah oo xoolo dhaqato ahi daganaa.Diyaaradduhu had iyo jeer way na dul maraan oo waxba noomay gaysan jirin laakiin baryahan danbe waxaad moodaa inay wax ku ridayaan”sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Salel.

Gudoomiyaha oo wax laga waydiiyey waxa uu isagu indhahiisa kusoo arkay markii uu kormeerka ku tagay deegaanada ayaa waxa uu yidhi sida tani

“Anigu waxaan arkay hadda Kormeer Ayaan ku jiraa waxana kasoo socdaa meeshii Caashacado,waa Meesha ay labada Neef midna ku dhintay midna ku dhaawacmay,waxaan soo waraysanay oo aan soo aragnay dadkii Xoolaha lahaa oo Meesha daganaa,waxa kale oo aan tagnay meeshii kale ee ay shalay duqeeyeen,labada gooboodba waxaan kasoo qaadnay midna Dhawr iyo Soddon Xabo oo rasaas ah oo Qasharkii ah melena 60 xabo oo qasharkii Rasaasta ah”sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Axmed Naasir Maxamed Xaashi.

Waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu sharraxaad ka bixiyey nooca ay yihiin diyaaraddaha Duqaynta gaystay iyo sababta loo nisbaynayo duqaayntaasi waxaana uu yidhi “Waxay ahayeen diyaaradaha dagaalka ee la yidhaahdo Helibkobtarka ah,ilaa hadda lama garanayo waxa loo Bartilmaamaydsanayo,waa dad dan yar ah waa dad xoolo dhaqato ah,waa dad sidaa Kibirka ah xoolohooda looga laynayo,waana gardaro wax alle wax la odhan karo halkaa waxbaa ku jira ma jiraan.Weerarkan cidda gaysatay waan dabagalaynaa waanan raadinaynaa habab badan Ayaan u dabagalnay,waxa weeya ma garanaysaa dhinaca Badda ee ciidamada Isbahaysigu ay dagan yihiin markaas halkaas ayay diyaaraduhu nagaga imanayaan sidaasaan u malaynaynaa dee habeen oo dhana xagaa Badda gariir baan ka maqalnaa iyo Hub la ridayo,waxa qasaare ka dhashay Caruurta yar yar ee la waayey ee xalay goor danbe lasoo helay iyo Xoolahaa midna dhintay midna dhaawaca yahay iyo dee waliba xoolo badan oo markii Rasaasta lagu ridey diday oo la waayey,anagana waxa noo qorshaysan oo aan qaadaynaa in aan heli karno halka ay waxani ka yimaadeen oo aan wadamada Jaarka ah ee Jabuuti noogu dhaw dahay aan la kaashano bal inay waxan halkay ka yimaadeen nala baadhaan dawlada Somaliland lafteedana waan gaadhsiinay oo iyadana baadhitaanba laga wadaa,waxa weeye marka la ogaado waxii halkay ka yimaadeen ayaa wax ka qabashadeeduna iman kartaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiyaha gobolka Salel Axmed Naasir Maxamed Xaashi oo khadka telefoonka ugu waramayey idaacada BBC-da qaybteeda Somaliga.

Gabagabadiina maaha markii u horeysay ee ay diyaarado dagaal duqaymo ka gaystaan deegaano ka tirsan gobolka Salel.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...