Somalia: Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada Amniga oo gacanta ku soo dhigey madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee G/Benadir

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in uu u mahacelinayo ciidamada amniga oo shalay gacanta ku dhigay madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banadir.

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Baaraka in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay shalay oo Isniin aheyd.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada Amniga oo gacanta ku soo dhigey madaxii Amniyaadka Al Shabaab  ee Gobolka Banadir”, sidaasi waxaa yiri Mudane Khayre.

Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...