Somalia: Farmaajo oo damaanad qaaday nolosha carruur agoon ah oo ku xareysan xarun ku taalla Afgooye

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ballanqaaday xanaaneeynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xaruunta ay hadda ku xareysanyihiin carruurtan ayaa waxaa gacanta ku haya oo maamulla ciidanka Asluubta ee dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur, ayuu Madaxweynaha u soo wakiishay in uu ku wareejiyo lacag loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta agoonta oo ahayd Ex-xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaan, waxaana canugiiba la siiyay $110 dollar.

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”. ayuu yiri Cabdinuur.

Dalka Soomaliya waxaa ku nool carruur badan oo ku agoomooway dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo ay ku yartahay helidda daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho intaba.

Dhinaca kale Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Talaadadii $22,000 u ballan qaaday college lagu xanaaneeyo agoonta oo ku yaaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Deeqdan ayaa ujeedkeedu yahay in agoonta dhigata iskuulkaas looga iibiyo cunno iyo agabka waxbarashada  iyada oo ay foodda inagu soo hayso munaasabadda ciidda ee bisha barakeysan ee Ramaadaan kadib.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador Qin Jian, ayaa u sheegay wakaalladda wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua in caawintaasi loola jeedo in la taakuleeyo agoonta iyo carruurta kale ee qoysaska danta yar kasoo jeeda ee ku jira xaruunta Bondheere Orphanage, halkaas oo ay ku xareysanyihiin in kabadan 300 oo gabdhood.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...