War Deg Deg Ah: Cali Guray Muxu Ka Yidhi Magaca Somaliland? “Berri Soomaali Carab Iyo Berri Danaakil”

Date:

Siyaasi Cali Guray oo ka faalooday arrimaha magaca somaliland ee u soo bandhigay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe In La Bedelo Aya waxa Maalmihi Ugu Danbeysa Baraha Bulshada Haystay Magaca Somaliland Waxana Si Yaro Khibaradaysan Uga Hadlay Mujaahid Cali Guray isaga oo soo dhigay bariisa baraha bulshada Ee Facboogisa

BERRI SOOMAAL BERRI CARAB IYO BERRI DANAAKIL
Kelmadda Somalilnd waxa laga tarjumay
magacii carabiga ahaa ee loo yaqaanay dhulka soomaalidu degto ee daanta koonfureed ee Kalijka Cadmeed(southern flanka of the Gulf if Aden) oo ahaa برى الصومال . Warbixin uu qoray sarkaal ingiriis ahi badhtameeyadii qarnigii 19aad oo cinwaan uu uga dhigay Western Idoor Tribes waxay ugu qoran tahay Bur soomal. Sarkaalka Ingiriiska ah waxa la socday oo u turjubaanayay ayo? Ayo kale! Ninkii mar zaylac mrkaa xukumi jiray ee la odhan Sharma’arke Cali(Muuse Carre) oo ku xidhnaa Amiirkii Mukha xukumi jiray oo soo siiyay 11 qori sida ku xusan isla warbixintaasi. Ingiriisku markii dambe ee dabayaaqadii markii isticmaarkii reer Turub ay Afrika qaybsadeen برى الصومال waxay u qaybiyeen shan meelood oo meel Ingiriisku Qaatay, laba meeloodna Talyaaniga iyo Faransiisku kala qaateen. Labadii kale waxay kala raaciyeen Itoboya iyo Kenya. Marka aad sidaa u eegto soomaalida sedex ka mid ah ayuun baa leh xuduudo Istcmaari ah labada kale waxay xuduudahooda isticmaariga ah la wadagaan qoomiyado kale halka Jabuuti oo ahayd French Somalilandna ay ku soo dareen dhul aan ka mid ahayn Somaliland-ta wayn ama Soomaaliwayn e qoomiyadda Canfartu ay degto oo ka mid ahaa dhulkii wakhtigaa la isku odhan jiry برى دناكل. Gacanka Cadmeed marka daanta koonfureed loo yaqaanay برى الصومال daanta waqooyina garo oo waxay ahayd برى العرب. Markaa sidaas ayay kala ahaayeen intii aanay wadamadu samaysmin. Markaa maanta soomaali uu maaha Canfar oo ka tiro yar soomaali ay sedex dal u kala qaybsan Carabta marka laga reebo inta Waqootiga Afrika inta waddan ey loo qaybiyay iyo sidii loogu waybiyayna hadalkeedaba daa

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...