Somaliland: Xiisad Ka Taagan Buuhoodle Iyo Ciidamo Maleeshiyaad Ah Oo Ay Maamulka Puntland Soo Hubaysay Oo Duleedka Buuhoodle Isku Urursanaya,Ciidamada Qaranka Oo Difaac Adag Galay

Date:

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn soona gaadhaya shabakada Wargane ayaa waxay sheegayaan in xisaad sansaan dagaal leh ay ka taagan tahay magaalada Buuhoodle.

Waxaana wararka nasoo  gaadhayaa ay sheegayaan in ciidamado Maleeshiyaad ah oo ay hubaysay maamulka Puntland ay isku urursanayaan duleedka magaalada Buuhoodle gaar ahaana deegaan lagu magacaabo Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle.

Waxaana ciidamadan ay maamulka Puntland hubaynayso ayaa doonaya sida naloo sheegay inay awood kula wareegaan magaalada Buuhoodle,iyaga oo sidoo kale Prof Cali Khaliif Galaydh u diiday inuu dib uso galo magaalada Buuhoodle,waxaana ciidankan maleeshiyaadka ah ay ku qoryo urursanayaan sida naloo sheegay deegaanadaasi.

Ciidamadan Maleeshiyaadka ah ayaa waxay kasoo horjeedaan heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Dorraad kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo uu hogaaminayo horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Sidoo kalena ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Buuhoodle ayaa iyaguna dhankooda heegan iyo difaac adag galay,waxaana ay ciidamada Qaranka Somaliland diyaar u yihiin hadh iyo habeenba ilaalinta xuduudaha Somaliland.

Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan xaaladeeduna way kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland ee xuduudaha Somaliland ilaalinaya iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ay maamulka Puntland soo hubaysay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...