Somaliland: Baashe Maxamed Faarax Oo Saluug Ka Muujiyey Qaar Ka Mid Ah Qodobadii Ay Ku Heshiiyeen Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay kala saxeexdeen kooxda Khaatumo iyo dawladda Somaliland inkastoo uu qodobada qaarkood saluug ka muujiyey.

Baashe Maxamed Faarx ayaa sheegay in heshiiskaas loo baahnaa isla markaana ay muhiimaddu tahay Somaliland is raacda oo la wada leeyahay, isagoo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi:

“Waxaan hambalyaynayaa in la soo gunaanaday wadahadalkii mudada socday, waxaanu doonaynaa in somaliland is raacdo oo ay nabad kuwada noolaato oo wixii la tabanayo la iska shaafiyo oo la iska daaweeyo, wadahadlkaasina si fiican buu u soo dhamaaday, waananu ku bogaadinaynaa labada dhinac ee wadahadalka waday”

Geesta kale Baashe Maxamed Faarax ayaa saluug ka muujiyey qodob ka mid ahs natii qodob ee lagu heshiiyey oo ah ah qodobka maamul daadejinta, waxaana uu guddiga wadahadalada ka codsaday inay u fasiraan qodobkaas, waxaana uu yidhi :

“qodobka maamul daadejonta xoogaa fahamkiisu wuu nagu yar yahay, laakiin guddigii baanu waydiinaynaa waxa loola jeedo maamul daadejin, waayo maamulku wuu daadejisan yahay ilaa Xaysimo ayuu joogaa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...