Somaliland: Amaanka Gobolada Somaliland Oo Xalay Aad Loo Adkeeyey Iyo Kaantaroolada Magaalooyinka Oo Ciidamada Boolisku Hawl Gallo ka Wadeen

Date:

Waxa xalay aad loo adkeeyey amaanka iyo xasiloonida gobolada Somaliland,waxaana ay ciidamada Booliska Somaliland ay hawl gallo ka wadeen magaalooyinkaasi iyaga oo Kaantaroolada magaalooyinka laga galano xalay la geeyey ciidamo dheeraad ah.

Ciidamadan ayaa xalay haw gallo ka waday Kaantaroolada magaalooyinka Somaliland laga galo,waxaana ay si aada u baadheeyeen gaadiidka socotada ah ee safarka ku jira.

Ciidamadan ayaa naloo  sheegay in ay qabqabteen gaadiid ay darawalinta waday sifo sharci darro ah ku wadeen kuwaas inta ciidamadu u kaxeeyeen saldhigyada markaasi ugu dhaw.

Sidoo kalena xalay ayaa gudaha caasimada Hargeysa waxa lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan oo dhalinyaro u badan kuwaas oo si aada u adkanayey amaanka Caasimada Hargeysa isla markaana xalay hawl gallada ay wadeen uu ka duwanaa hawlgalladii hore.

Ilaa hadda lama garanayo waxa soo kordhay balse haw galladan ayaa qayb ka ah hawlgallada ay ciidamadu ku sugaan nabadgaliyada.

Gabagabadiina ciidamada Booliska Somaliland iyo ciidamada Qaranka ayaa iyagu naf hur u ah heegana ugu jira hadh iyo habeen sidii ay  shacabkoodu nabad ugu naaloon lahaayeen isla markaanna ay u sugi lahaayeen amaankooda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...