Waxa xalay aad loo adkeeyey amaanka iyo xasiloonida gobolada Somaliland,waxaana ay ciidamada Booliska Somaliland ay hawl gallo ka wadeen magaalooyinkaasi iyaga oo Kaantaroolada magaalooyinka laga galano xalay la geeyey ciidamo dheeraad ah.
Ciidamadan ayaa xalay haw gallo ka waday Kaantaroolada magaalooyinka Somaliland laga galo,waxaana ay si aada u baadheeyeen gaadiidka socotada ah ee safarka ku jira.
Ciidamadan ayaa naloo sheegay in ay qabqabteen gaadiid ay darawalinta waday sifo sharci darro ah ku wadeen kuwaas inta ciidamadu u kaxeeyeen saldhigyada markaasi ugu dhaw.
Sidoo kalena xalay ayaa gudaha caasimada Hargeysa waxa lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan oo dhalinyaro u badan kuwaas oo si aada u adkanayey amaanka Caasimada Hargeysa isla markaana xalay hawl gallada ay wadeen uu ka duwanaa hawlgalladii hore.
Ilaa hadda lama garanayo waxa soo kordhay balse haw galladan ayaa qayb ka ah hawlgallada ay ciidamadu ku sugaan nabadgaliyada.
Gabagabadiina ciidamada Booliska Somaliland iyo ciidamada Qaranka ayaa iyagu naf hur u ah heegana ugu jira hadh iyo habeen sidii ay shacabkoodu nabad ugu naaloon lahaayeen isla markaanna ay u sugi lahaayeen amaankooda.