Magaalo Qadiimi Ah Oo Taariikh Fac Weyn Oo Islaam Leh Iyo Goobo Wakhtiyo Fog Muujinaya Oo Laga Helay Bariga Waddanka Itoobiya

Date:

Gobolka Harlaa ee Bariga dalka Itoobiya ayaa laga helay magaalo qadiim ah oo la iska iloobay, waxaa la aaminsan yahay in magalaadani ay qarniyo ka hor ahaan jirtay xarun ganacsi.
Waxyaabaha haraagoodii la soo faqay ee dhulka hoostiisa loogu tagay waxaa ka mid ahaa masaajid dhisnaa ilaa qarnigii 12aad iyo qubuuro ay Muslimiintu dadkooda ku aasi jireen.
Madaxa kooxdan culimada ah ee baareysa haraagii hore ayaa sheegay in habka uu u dhisan yahay masjidka ay heleen uu la mid yahay sida masaajidda laga helay koofurta Tanzania iyo Somaliland,oo waxay caddeyn u tahay inuu jiray xiriir taariikheed oo u dhexeeya bulshooyinka Islaamka ee Africa.
Waxaa kale oo la helay lacag maar iyo qalin ka sameysan oo Masar laga isticmaali jiray qarnigii 13aad iyo dahab iyo qalin dumarku xiran jireen iyo alaabooyin kale oo laga keenay dalalka Madagascar, Maldives, Yemen iyo Shiinaha.
Beeraleyda gobolka Harlaa ee bariga Itoobiya ayaa in badan waxay meel dhulkooda ka mid ah ka helayeen alaabooyin ay la yaabeen oo ay ka mid tahay lacag sanuud ah oo Shiinaha laga laga isticmaali jiray taasi waxay dhalisay sheeko xariireed dadku ku sheekeysto oo ah in meeshu tahay aag ay ku noolan jireen dad ka waaweyn dadka caadiga ah oo haddana ka dhaadheer dadka caadiga ah,hase ahaatee culimadii baaritaanku waa ay xaqiijin waayeen sheeka-xariirta.
Haddaba sanadkan culimadu waxay qodi doonaan dhul kale,waxase inta ka horeysa la darsayaa haraagii ilaa 300 qof oo ku aasan qubuuraha oo waxyaabaha la darsi doono ay ku jirto qaabkii ay wax u cuni jireen iyo wixii ay cuni jireen.
Natiijadii cilmibaaristan waxaa lagu soo bandhigi doonaa xarunta gobolka ee lagu kaydiyo wixii laga dhaxlay quruumihii hore iyo matxafka qaranka ee addis Ababa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...