Somaliland: Culimada Ahlu-suna Waljamaaca Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiir Khaliil Ku Eedeeyay Inay Dalka Gelinayaan Khilaaf Diimeed

Date:

Culimada Ahlu-suna Waljameeca ee Somaliland ayaa waxaa ay kulan ballaadhan oo ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa ku Daadifeeyeen isla markaana ay ka hor-yimaadeen 12-kii xubnood ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u Magacaabay guddida golaha Culimada.

“Waxa aan leeyahay Madaxweyne Siilaanyo haddii aad magacaabaysid guddi wadaado ah oo diinta xukuma maxaad toddobadii sannadood ee hore ee aad joogtay u magacaabi weyday haddii ay wanaagsan yihiin ma mar aad iminka ka tagaysay ayaad carqalad u dhigaysaa kuwa kaa danbeeya” ayuu yidhi wadaad ka tirsan Culimada Ahlu-suna Waljameeca oo madasha ka hadlay.
“Waxa aan ka hadlayaa oo ay culimadu aad uga xishoodeen wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil oo arrintan isagu dabada ka soo riixaya waxa aan leeyahay wasiir waa guddigii shanaad ee intii aad xilka haysay aad magacowdo dhamaantoodna haddii ay tahay guddigii caddaalada, haddii ay tahay guddigii sakawaadka, haddii ay tahay guddigii abaaraha, dhamaan Wahaabiya ayaad ka saftay culimadii Ehli duruqa ayadna isku muuqate, maanta waxa ay kuu yaqanaa islaantii boqolka hilib salada loogu riday ee lagu yidhi Haweenka u qaybi ee kay soo saartaba iyadu tidhi waa kaygii kani ee iyadu is ag dhigtay ayay kuu yaqaanaan culimada Ehlu duruqa ahi” ayuu yidhi wadaad kale oo ka mid ahaa culimadii ka hadashay madashu
Sidoo kale Culimada Ahlusuna Waljameeca ee Somaliland waxay soo saareen bayaan ka kooban 5 qodob oo ay kaga hadlayaan 12-ka xubnood ee loo magacaabey guddida golaha culimada dalka.
Waxaana qodobadaasi ay u dhignayeen sidan:
1. In aaney guddidaasi waafaqsaneen dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland tiro ahaan iyo shuruud ahaanba.
2. In aan guddidaas lagu qeybin si caddaalad ah oo siman balse ay yahiin koox kaliya.
3. In ay guddidaas ka mid yahiin rag xanbaarsan fikiradaha xag jirka ah.
4.In aaney matali karin mad-habdkii iyo caqiidadii dalkani lahaa.
5.In aany magacaabidoodu ku habooneen wakhti xaadirkan kala guurka lagu jiro.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...