Somaliland: Hay’adaha Caalamiga Ah Oo Madaxtooyada Ka Dalbanaya In Hay’ada Waddooyinka Laga Hoos Saaro Wasaarada Hawlaha Guud

Date:

Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dib u dhiska waddooyinka dalka, ayaa dib u dhiska waddooyinka dalka shuruud uga dhigay in hay’adda waddooyinka ee SRA (Somaliland Road Authority) la madaxbanaaneeyo oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud, noqotana hay’ad madaxbanaan sidii ay ahaan jirtay dawladihii hore.

Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hay’adaha caalamiga ahi go’aansadeen inay madaxtooyada Somaliland u gudbiyaan dalabkooda ah in hay’adda waddooyinka loo sameeyo xeer gaar ah iyo guddi madaxbanaan oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta. Hay’adahan ayaa aaminsan in mar haddii ay lacag badan gelinayaan dhismaha iyo dib u dhiska waddooyinka dalka ay muhiim tahay in la helo komishan gaar ah oo ay hay’aduhu si gaar ah ugala xisaabtamaan.

Hay’addan oo bilowgii dhismaha dawladnimo ee Somaliland ku hoos jiri jirtay isla wasaaradda hawlaha guud ayaa mar dambe uu madaxweyne Cigaal ka hoos saaray, gaar ahaan xilligii uu soo baxay mashruuca dhismaha waddada Berbera Wajaaale ee lagu magacaabo Berbera Corridor. Xilligaas oo midowga Yurub iyo hay’adihii mashruuca la’ waday Somaliland dalbadeen in la madaxbannaaneeyo hay’addan, laakiin madaxweyne Siilanyo ayaa markii uu talada dalka qabtay wasaaradda dib ugu soo celiyey dhismaha wasaaradaha waxa aanu hoos geeyey wasaaradda madaxtooyada. mar labaad ayaa uu haddana ka hoos saaray oo uu dib ugu celiyey wasaaradda hawlaha guud.

Lama oga go’aanka uu madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono soo jeedinta hay’adahan, sida oo kale maadaama oo sababaha hay’adaha arrintan ku kallifaysay ay ka mid ahayd iyaga oo danaynayey hufnaanta xisaabeed iyo la xisaabtan lama garan karo in uu jiro madmadow xisaabeed oo xilligan soo dhex galay iyaga iyo wasaaradda, oo arrintan soo dedejiyey.

Wasaaradda hawlaha guud oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...