Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa magaalada Hargeysa ku sugnaa Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno ka mid ah Maamulkiisa kuwaasi oo u joogay arimo la xidhiidha wadahalada u socda maamulkooda iyo Xukumada Somaliland.
Habeenkii xalay ahaa ayaa waxa kulan Garnaqsi ah Jilabaha isku daray Kooxda uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh iyo sidoo kale Xubnaha hore u aaminsanaa Fikirka Somaliland ee xilalka ka haya Xukumada Siilaanyo iyaga oo matalaya Deeganada Maamulka Khaatumo ku abtrisado.
Waxaana sida xogo hoose oo aan la helnay Kulankaasi ay xusayaan in labada dhinac dood dheer ka dib la isla qaatey in si wada jir ah loo taageero wadahadalada Somaliland iyo Maamulka Khaatumo isla markaana ay xubno ka mid ah Wasiirada goobta fadhiyey oo hore u diidanaa shirka ay ka daayaan carqaladaynta.
Iyada oo ugu dambayn shirka la isla qaatey in shacabka Sool sanaag iyo Cayn ay u midoobaan sidii ay xaqooda uga heli lahaayeen Xukumada Somaliland si loo gaadhsiiyo Goboladaasi Gobolada Kale ee dalka oo uu ka hadhay.
Waxaana dib loogu balamay in dib la iskugu yimaado mar kale shir kaasi oo la qorsheeyey in lagu doorto 8 ka mid ah xubno maamulkaasi u matali doona Wadahadalada u socda labada dhinac oo mar kale la filaayo in ay midkood ka dhacaan Burco Ama Hargeysa.