Somaliland: Wafti Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE Ka tirsan Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Date:

Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, isla markaana ay xubno ka ahaayeen xogyaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, guddoomiyaha KULMIYE ee dalka Sweden Md. Fu’aad Kaamil Ciise, wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Md. Sakariye Xasan Wacays iyo xubno kale, ayaa maanta lagu dhaweeyey madaarka magaalada Hargeysa.
Waftigan oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalalka waqooyiga yurub ee ay kamid yihiin Sweden, Finland, Holland, Norway, Germany iyo Denmark, ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey, wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal guud iyo saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE, waxana halkaas laga jeediyey kelmado kooban oo xubnaha waftiga lagu soo dhaweynayey.
Xubnaha waftiga, ayaa si kooban uga warramay socdaal muddo qaatay oo ay dalalka kusoo mareen, iyaga oo si weyn ugu mahadnaqay hoggaanka laamaha KULMIYE ku leeyahay dalalka ay soo mareen oo ay sheegeen inay abaabul weyn ugu jireen sidii uu xisbigu ugu guulaysan lahaa doorashooyinka soo socda.
Ugu horrayn xubno xukuumadda ka tirsan oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Warshahada Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cilmi Aadan(ilkacase) oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey sida ay masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga ka tirsani u dardargeliyeen hawlwadeennada xisbiga ee dalalka ay soo mareen.
Wasiirka wasaaradda caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre oo waftigan hoggaaminayey, ayaa si kooban uga warbixiyey socdoolkoodii dibadda, waxana uu sheegay in safarkoodu daarranaa wacyigelinta taageerayaasha xisbiga iyo kuwa guud ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee qurbaha ku nool oo arrimo qaranimada ku saabsan lagala hadlay, isla markaana hawlo badani usoo qabsoomeen.
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna faahfaahiyey ujeeddada safarkoodu daarranaa, isaga oo u mahadnaqay masuuliyiinta xibsiga KULMIYE ee laamaha dalalka ay soo mareen, waxana uu yidhi, “Muddo saddex Toddobaad iyo dheeraad ah baanu socdaallo ku maraynay, waxana aanu u soconay hawlo badan oo mid xisbi iyo mid dawli ahba isugu jira maadaama ay doorashadii soo dhawdahayna waxanu u hawlgalay sidii laamaha xisbiga ee dibadaha loo guubaabin lahaa, waxana aanu aad uga mahadnaqaynaa dhammaanba laamaha dalalkii aanu tagnay ee xisbiga KULMIYE oo si weyn noosoo dhaweeyey, hawlo bandanna aanu qabanay, una diyaarsanaa hawlaha xisbiga.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...