Waxa dad badan oo inaga mid ah aaminsanyihiin in aan qofka soomani haba yaraate aanu jimicsi samayn Karin, halka dadka qaar aaminsanyihiin in aanay awoodin inay socdaan inta ay sooman yihiin.
Dhakhtar u dhashay Dalka Turkiga ayaa waxa uu Dadka Muslimiinta ah ku dhiiri galiyay inay afurka ka hor jimicsadaan bisha Ramadaan inta ay sooman yihiin, Dr Cismat Tamir oo u dhashay Dalka Turkiga oo ku takhasusay Cuntooyinka iyo Daawaynta Cudurada ku dhaca Hab-dhiska Dheef-shiidka ayaa waxa uu sheegay in Jimicsiga la sameeyo Saacadaha Afurka ka hor ay faa’iido aad u badan u leedahay Jidhka, waxa kale oo uu Dr Tamir sheegay in isbedelka Xilliyada Cuntada uu qofku cunayo Bisha Ramadaan iyo sidoo kale xilliga uu seexanaayo ay sababi karaan in Miisaanka Qofku kordho.
Dhakhtarku waxa uu ka digay in Fikirka qaldan ee ah in qofku inta uu sooman yahay in aanu jimicsan Karin, balse faa’iidada aad u badan ayuu jidhka u leeyahay waxa aanu jidhka u noqonaya jimcisigaasi mid uu wasakh badan iskaga saaro, sidoo kale waxa uu dhakhtarku xusay inay Dadka Muslimiinta ahi caadooyin aad u xunxun ku dhaqmaan bisha Ramadaan marka loo eego dhinaca Cuntada oo had iyo jeer ay cunaan cuntooyin aan isku dheelitirnayn waxaanu sheegay inay habboon tahay in cuntada la isku dheelitiro.