Shirkii golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiistii ayaa waxa ka dhacday dood xasaasi ahayd oo salka ku haysay doorka Somaliland ee khilaafka Diblomaasiyadeed ee wadamada Khaliijka.
Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ahi u sheegeen wargeyska Geeska Afrika ,shirkaas oo uu hogaaminayey madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu soo bandhigay qodob ku jirey ajandaha shirka oo ahaa in Somaliland barbar istaagto dalalka Khaliijiga ee go’doonka galiyey dalka Qatar ,isaga oo sheegay in dalalka Khaliijigu gaar ahaana Imaaraadka Carabtu uu xidhiidh iyo wada shaqayn wanaagsan la leeyahay Somaliland,waxaana uu soo jeediyey in la ansixiyo in Somaliland ay barbar istaagto dalalkaas kala ah Sucuudiga,Imaaraadka Carabta,Masar iyo Baxrayn.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Somaliland siyaasadd ahaan ay u wanaagsan tahay inay doorkeeda ciyaarto si ugu yaraana loo dareemo culayska ay leedahay,waxaana uu wasiirka Madaxtooyadu doodiisa gundhig uga dhigayey xidhiidhka jamhuuriyadad Somaliland iyo Imaaraadka Carabta,waxaana taageeray xubno kale oo wasiiro ah.
Hase’yeeshee waxa soo jeedinta wasiir Maxamuud Xaashi ka horryimid wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Cali Maxamed Xasan “Marreexaan” oo la sheegay inuu ku dooday inay Somaliland u wanaagsan tahay inaanay dhex galin khilaafka dalalka Khaliijika,maadaama oo aan la aqoonsanayn.Doodda wasiir Cali Mareexaan waxa isna taageeray wasiiro kale.
Markii ay dooddu badatay ayaa waxa la isku raacay in cod gacan taaga la qaado soo jeedinta wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi,waxaana in Somaliland ay taageerto dalalka Khaliijka oo ka qayb gasho go’doonka Qatar la galinayo u gacan taagay 15 Wasiir ,halka 18 wasiir oo u badnaa wasiiro ku xigeeno fikirkii wasiir Cali Mareexaan ee ahaa in Somaliland dhex galin khilaafka dalalka Khaliijka,waxaaana la isku raacay in sidaasi lagu baajiyo taageero Somaliland u muujin lahayd xulufada ay Sucuudiga iyo Imaaraadki horkacayaan.
Doodda oo adkaatay iyo xasaasiyadda Mawduucu lahaa darteed markii codku dhamaaday waxa la iskuraacay inaanay wararka arrintan ku saabsani aanay u gudbin saxaafadda iyo dadwaynaha Somaliland.
Saxaafadda madaxabanaan iyo mida dawliga ah oo iyagana Madaxtooyada looga yeedhay si loogu sheego natiijada shirka golaha wasiiradda oo markii u horeysay la filayey inay taageeri doonaan in dalalkaas xulufada ah la garab istaago ayaa markii danbe loo gudbiyey cudur daar nuxurkiisu ahaa in uu baaqday ajandahii la doonayey in loo sheegi si ay u baahiyaan.
Ka sokow go’aanka ay golaha Wasiiradu codka u qaadeen waxa ay wararku sheegayaan in shirkaasi lag dareemay kala qaybsanaanta ka dhex jirta golaha wasiiradda xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo waliba awoodda wasiiro dhawr ah oo mid kasteba dhinaciisa u doobyey.