Somaliland: Ciidammada Somaliland oo Gacanta ku dhigay Tiro Mukhalasiinta Tahriibka ah & Taliyaha Laanta Socdaalka oo ka hadlay

Date:

Dawladda Somaliland, ayaa qabatay Dad badan oo ka mid ah kuwa ka shaqeysta Tahriibka ee sida Tuugada ah Dadka Tahriibayaasha ah uga soo daad-gureeya Itoobiya isla-markaana Somaliland dhex mariya si ay u gaadhsiinayaan Xeebaha Puntland.

Taliyaha Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inay la dagaalamayaan Tahriibayaasha iyo Dadka kuwa ka shaqeysta, si aan Adduunku ugu arag Somaliland meel Tahriibku fasax ka yahay.

Taliyaha oo ugu horeyn ka hadlaya Dadka ka shaqeysta Tahriibka ee ay qabteen, ayaa yidhi, “Dawladda Somaliland tallaabo ayay ka qaadeysaa Dadka Gaadiidka ku soo gura Tahriibayaasha, waxaanuna (qabanay) dhowr iyo toban Dadkaas ah oo aanu qaarkood ku hayno (Xarunta Socdaalka) qaarkoodna ay Saldhigyada Booliska ku xidhan yihiin.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay, “Dadkaasi waa kuwa ku shaqeysta Tahriibta, waxaan leeyahay Tahriibtu waa Xaaraan, sidaa daraadeed, Dalkani noqon maayo Biriijka Dhimashada ee Badda laga gelo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Saddex jeer ayaanu Badda ka soo Daad-gureynay Tahriibayaal u dhashay Dalka aynu jaarka nahay ee (Itoobiya) oo Badda ku halligmay. Adduunku noo arki maayo meel Tahriibtu fasax ka tahay ee ka mabnuuc oo waanu la dagaalameynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...