Tagsiile Magac Ku Helay Khatar Uu Naftiisa U Geliyey Bedbaadada Dad Mindiyo Lagu Eryaynayey

Date:

Idaacadaha Dalka Britain ayaa waxa ay ninkan ku tilmaameen inuu yahay geesi jecel waddankiisa una damqanaya dadkiisa, maaddaama baa la yidhi uu Ninkaasi uu Gaadhigiisa ku eryaday Saddexda Nin ee Mindiyaha Dadka la dhacayey.

Idaacadda LBC ee dalkaasi ayaa soo werisay in ninkani uu saddexdaasi nin uu ku eryaday gaadhigii uu watay, taasina sababtay in ay saddexda ee Weerrarka geysanayey ay khalkhlaan oo kolba dhinac u cararaan. Ninkan ayaa goobta ka tagay markii ay soo gaadheen Ciidamada Ammaanku.

Ninkan oo markaasi ka dib laga qaaday Wareysi, ayaa yidhi “Markii ay saddexda nin la soo dageen mindiyaha waxa aan ka gubayay Birijka magaalada London, markii aan arkay in ay nimankani dadka ku weerarayaan midiyaha waxa aan isku dayay in aan qayliyo oo aan u tilmaamo waddada saxda ah, intaasi kadib waxa aan sameeyay in saddexdii nin ku eryado gaadhiga oo aan ka khalkhaliyo dadkii ay beegsanayeen waxa aanan arrintaasi waday ilaa iyo intii ay ciidamada amaanku soo gaadhayeen goobta”.

Saddexda Nin ee Weerarkan geystay ayaa dilay 7 Qof, waxayna dhaawaceen 48 kale, sida laga soo xigtay Ciidammada Booliiska ee Magaalada London.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...