Somaliland: Muuse Biixi, C/raxmaan Cirro iyo Hogaamiye Xirsi oo Ka Hadlay Taariikhda Marxuum Ooto Biixi Iyo Kaalintii Halgankii SNM

Date:

Allaah ha u naxariistee waxaa Caawa si Heer Qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Masallaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo fiidkii ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa, waxaanu Marxuumku u dhintay Xanuun Beerka ka asiibay oo dhawaan Qalliin Dalka Hindiya loogu soo sameeyey.

Waxaa Aaska Marxuumka ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Taliyeyaasha Ciidammada, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland, Maamulka Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, Maamulka Gobolka Maroodi-jeex, Ganacsato, Culimo, Madax-dhaqameed, Xubno ay Ururkii SNM ka wada tirsanaayeen Marxuumka iyo Dadweyne Farabadan, Dadkaas oo dhammaantood Xabaasha Dusheda uga duceeyey Marxuumka.

Marxuumka oo ka tirsanaa Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu dhawaanahan ka mid ahaa, ayaa ka mid ahaa Xubnaha Jabhaddii SNM ee Somaliland xoraysay. Waxaana Geeridiisa Bulshada Somaliland, Halgamayaashii SNM, Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay-ba ka tacsiyadeeyey Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda ee Kulmiye iyo Waddani oo uu ka tirsanaa.

Qoraallo kala duwan oo ka soo kala baxay Xafiisyada Warbaahinta qaabbilsan ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, ayaa lagu kala sheegay in Guddoomiyaha Kulmiye ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weliba Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacabka Somaliland oo ay ka tacsiyadaynayaan Geerida Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto),

Marxuumkana Allaah uga baryayaan in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo Ayaamo-khayrka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee uu geeriyooday oo ay tilmaameen inay muujinayso in Marxuumku Ehelu-khayr yahay ama ahaa.
Ugu horreyn Qoraalka Tacsida ah ee Muuse Biixi, diray waxa uu ku yidhhi;

“IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 05/06/2017.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto) ku tilmaamay mujaahid naftiisa iyo dhiiggiisaba u soo huray dib-u-xorayntii dalka iyo dadka reer Somaliland oo ka baxay qaranka maanta, isla markaana ka qaybgalay halgannadii hub-ka-dhigista iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland.
qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Sidoo kale, Qoraallo ka soo baxay Xisbiga Waddani, ayaa lagu yidhi; “Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa dhanbaal tacsi ah u diray eheladii, qarabdii iyo shacbiga Somaliland isagoo ka tacsi yadeeyay geerida ku timi Marxuum Mujaahim Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo ka tirsana Xisbiga WADDANI, kuna geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan wuxuu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Biixi Caalin, shakhsi dhalinyaranimadiisi iyo naftiisiba u soo huray waddanka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale wuxu alle uga baryay qoyskii, caruurtii iyo eheladii uu ka baxay inuu samir iyo iiman ka siiyo marxuumkana jannadii fardawsa ka waraabiyo.

Geesta kale, Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudaha iyo dibadda dalka, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo maanta 5/06/2017. ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan-Cirro, wuxu sidoo kale tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, qoyskii iyo caruurtii uu ka baxay marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) isagoo ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa Mujaahid ka soo qayb-qaatay halgenkii dib u xorreynta dalka iyo dib u heshiisiintii –beelaha Somaliland,
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay inuu Marxuum Ooto Biixi Caalin ahaa shakhs helyey qaran oo la tebi doono. Inaa Lillaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun..” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Tacsida ah ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...