Somaliland: Maxay Saaka Wargeysyado Ka Qoran Madaxweyne Siilaanyo Iyo Isku Shaandheynta Cusub ?

Date:

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Saamaynta Uu Madaxwaynuhu Isku Shaandhayntan Ku Lahaa Ay Koobnayd??

Madaxwayne Siilaanyo ayaa galabnimadii shalay soo saaray isku shaandhayn uu ku sameeyey qaar ka mid ah xubnaha xukuumaddiisa.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa magacaabis iyo isku bedel ku sameeyey 20 xubnood oo isugu jira, wasiirro, wasiir kuxigeno, wasiir-dawlayaan, guddoomiyayaal gobol iyo la taliye Madaxwayne, waxaana uu sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyey 6 xubnood oo hore uga tirsanaa xukuumadda.

Isku shaandhaynta Madaxwaynaha ayaan gabi ahaanba saamayn wasiirrada xukuumadda ee kala duwan, marka laga reebo hal wasiir kaasoo ah wasiirka boostaha iyo isgaadhsiinta oo isagana dhawaan uun la magacaabay, waxaana ay taasi bedelkeeda isku shaandhayntu ku koobnayd wasir kuxigeenada iyo wasiirudawlayaasha.

Marka dhinac walba laga eego isku shaandhayntii uu shalay Madaxwaynuhu soo saaray ayaa u muuqatay mid aan habay yaraatee wax nuxur iyo macno ah u samaynayn hanaanka dawladnimada, isla markaana dhamaan dadka xilalka laga qaaday iyo kuwa la magacaabay ba aanay lahayn wax saamayn siyaasadeed ah, sidoo kalena isku shaandhayntani wax dareen ah kumay abuurin dadwaynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa caasimadda ku dhaqan oo si gaar ah ugu taxan arrimaha siyaasadda, waxaana ay tani noqonaysaa isku shaandhayntii ugu liidatay ee uu Madaxwayne Siilaanyo sameeyo, tan iyo markii uu xilka qabtay.

Geesta kale waxaa jira warar isa soo taraya kuwaasoo sheegaya in Madaxwaynuhu uu saamayn aad u yar ku lahaa isku shaandhayntan, waxaana ay wararkani tibaaxayaan in badi shakhsiyaadka la magacaabay iyo kuwa la eryeyba ay xubno xukuumadda ka tirsani qorshahooda lahaayeen, waana sababta isku shaandhayntani aanay u xambaarsanayn wax nuxur ah.

Ugu dambayn Siyaasiyiin iyo aqoonyahano hore uga hadlay isku shaandhaynta tirada badan ee xukuumadani samaysay ayaa waxay sheegeen inay isku shaandhayntu wiiqdo awoodda dawladnimada isla markaana aanay wax macno ah u lahayn hanaanka dawliga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...