Kooxda Arsenal ayaa shaacisay dhamaystirka saxiixa daafaca reer Bosnia ee Sead Kolasinac. 23 jirkaan ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee tababare Arsene Wenger uu ka sameeyo suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.
Arsenal ayaa baahisay in Sead Kolasinac uu qalinka ugu duugay heshiis waqti dheer ah oo aan la faah faahin inta uu la egyahay, wuxuuna ka soo dhaqaaqay kooxda Schalke04.
Sead Kolasinac ayaa qaab bilaash ah ugu soo biiray kooxda ka ciyaarta waqooyiga London, kooxda ayaa baahisay inuu tababarka bilaabi doono bisha July.