“Mustaqbalkeyga waa la go’aamiyay.”. Lukaku

Date:

Dhaliyaha Everton Romelu Lukaku ayaa qaatay go’aanka ku aadan mustaqbalkiisa iyadoo ay jirto qiyaas fikradeedka laga qabo inuu lacago badan uga tagayo kooxda reer England.

Xidiga reer Belgium ayaa lala xiriirinayay Chelsea, Manchester United, Juventus iyo Bayern Munich kaddib xilli ciyaareed wacdaro leh uu ka dhigay Premier League kaa uu ku dhaliyay 25 gool 37 kulan uu ciyaaray.

Lukaku ayaa ka biyo diiday inuu si shaacsan uga hadlo qorshihiisa fog, laakiin wuxuu iminka daaha ka rogay inuu garanayo halka uu ka ciyaari doono fasal ciyaareedka soo socda ee 2017-18.

“Wakiilkeygu wuu ogyahay waxa dhici doona ,” Lukaku ayaa sidaa u sheegay Sky Sports.

“Waan garanayaa waxa aan doonayo inaan sameeyo marka ay wax dhacaana, xarfaantiina waad ogaan doontaan,”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...