Masuuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa Qalab Ciyaareed oo dhamaystiran u qaybiyey 12 kooxood oo maalintii shalay tartan uga furmay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.
Tartan oo ah kii ugu horeeyey ee bisha Ramadaan ka furma gobolka Saaxil ayuu xisbiga Waddani waxa uu gudoonsiiyey 12-ka kooxoodba Dirayskoodii, Koobab, Kubaddo.
Ugu horayn Gudoomiye Jirde oo tartankaasi furay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa masuuliyiinta xisbiga Waddani ee hindisay fikirkan xisbiguna waa kaa ka dhabeeyey, dhalinyaradana waxaan u rajaynayaa ciyaar wanaagsan iyo isku duubnaan ciyaartiina way inoo furan tahay” ayuu yidhi Gudoomiye Jirde.
Xoghayaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Xisbiga Waddani, Yoonis Axmed Yoonis ayaa isaguna waxa uu yidhi “Waxa aynu ognahay in doorkii Wasaarada Ciyaaruhu uu ka baxay Meesha oo ay doorkoodii qaateen dhalinyaradu, Garoomada gobolka Saaxil way dayacan yihiin wax tartan ah lama qaban mudo ku siman afar sano aad iyo aad ayaanu uga xunahay gobolka saaxil oo ahaa halbowlaha ciyaaraha ay dhibaatadaasi ku timid waxa aanu wasaarada ugu baaqaynaa inay ka mashquusho riwaayadaha ay ku jirto oo ay ku mashquusho tartanada ciyaaraha dhalinyarada ee loo diray inay dhiirigalin u samayso.
Markaa tartankan maanta gobolka saaxil ayaanu ka furaynaa oo gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa furaya.
Waa tartan qiimo badan dhalinyartana waxa aanu ugu baaqaynaa inay si walaaltinimo ah ay tartankaasi uga qayb qaataan, waxa weeyi qalabkii oo dhamaystiran, koobabkii, kubadihii iyo garamadii ayaa labadaasi kooxood aanu ku wareejinaynaa” ayuu yidhi Xoghayaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xisbiga Waddani Mudane Yoonis Axmed Yoonis.
Sidoo kale Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ka markhaatikacayso Xisbiga Waddani waxa uu balan qaado inuu oofiyo iyadoo arimahaasi ka hadlaysana waxa ay hadalkeeda ku bilawday oo ay tidhi “Waddani waxa uu balnqaado wuu oofiyaa, maalintii noogu dambaysayy ee aanu halkan joognay xisbigu waxa uu balan qaaday in dhalinyarada qalab ciyaareed u keenayo oo direys ku jiro, dirayskii waa kaa aad aragtaan oo 12 kooxood ayaanu u keenay, anigu waxa aan balan qaaday in aan koobabka keenaayo waanigaas oo koobabkii keenay.
Ciyaarahan aanu furaynaa maaha halkan oo kaliya (gobolka Saaxil) waxa aanu todobaadkii la soo dhaafay ka soo furnay Boorama oo ay laba iyo sodon kooxood (32 kooxood) tartankaa ay ka qaybgaleen, Burco waanu ka fuli lahayn laakiin xanuunkan imika ka dilaacay iyo dad farabadan oo aanu ka tacsiyadaynayno ehelkoodii inta kalena ilaahay caafimaad siiyo oo uu ka qabto xanuunka, Hargeysana waa laga furayaa.
Waxa aan muujinaynaa anagu wixii aanu balanqaadnay in aanaan dib uga noqon oo been ma sheegno, waxaananu ognahay in dhalinyaradu yihiin mustaqbalka wadankan oo aanu doonayno dhalinyaradu inay hantaan wadankooda oo ay tahriibka kaga joogsadaan in badda ay ku dhimanayaan ay kaga joogsadaan in hooyooyinka ooyaaya ee baroorta ku seexanahaya ay ka soo jeestaan oo caruurtani ay helaan mustaqbalkii wanaagsanaa ee ay doonayaan. In shaqo ay heli doonaan oo warsshado loo furi doono oo waa cusubi uu u baryi doono” ayay tidhi faadumo siciid, waxaanay ugu baaqday dhalinyarada inay si nabadi ku jirto u ciyaaraan.
Waxa hale oo isaguna tartankaasi xisbiga Waddani uu ka furay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ka hadlay Maxamed-Sidiiq Dhame oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani waxaanu yidhi Mr Dhame “Tartankan aanu ka furayno magaalada Berbera, waxa uu ka mid yahay barnaamijkii la ciyaar Waddani oo inta badan dhaca bisha barakacaysan ee Ramaadan, xisbiga Waddani waxa uu aaminsan yahay inuu qaato doorkiisa ciyaaraha kolba kaalinta ay tahay, Barnaamij ahaana waxa uu qorshuhu yahay in ay dalka ka taabad gasho Ciyaaro la mid ah kuwa dunida oo aynu soo bandhigno hibada caruurteena lana sameeyo garoomo la mid ah kuwa caalamka, xisbiga Waddani waxa uu diyaariyey in laga hirgaliyo kooban iyo tartan ciyaareed”. Ayuu yihdi Mr Dhame.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu mahadnaqay xisbiga Waddani in tartankii ciyaaraha Bisha Ramadaan ee ugu horeeyey ee gobolkan laga furo uu Xisbiga Waddani halkan ka furo isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Gudoomiyuhu “Waxa aanu u mahadnaqaynaa weftigan inoo yimid ee uu hogaaminayo gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Cabdiqaadir Jirde, waxaanan leeyahay Hambalyo wakhti wanaagsan ayaanad noo timaadeen, waxa aad noo timaadeen wakhti ku haboon oo gobolka aan waxbaba laga furin ayaad noo timaadeen”.
Berbera, June 5, 2017 () – Masuuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa Qalab Ciyaareed oo dhamaystiran u qaybiyey 12 kooxood oo maalintii shalay tartan uga furmay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.